BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
11 Abriil, 2008, 13:11 GMT; 16:11 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Kulmiya oo diidan xilli kordhinta Rayaale
 
Siilaanyo
Ahmed Mohamed Mohamud, Siilaanyo
Kadib markii dib loo dhigay doorashooyinkii dawladaha hoose iyo tii madaxweynannimada somaliland ilaa iyo bilaha oktoobar iyo december ee sanadkani, ayaa golaha guurtida ee odayaasha ee somaliland ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen shalay in muddo hal sano ah lagu kordhiyo.

Muddada ay xilka heynayaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, ayaa marka ay dhamaato muddadii hore ee ahayd shanta shano ee horey loogu soo doortay oo ku eg bartamaha bisha soo socota ee May ee sanadkaan 2008-da, ayaa sanad dheeraad ah loogu kordhinayaa.

Xisbiga mucaaradka ee Kulmiye, ayaan ku faraxsanayn xilli kordhinta oo uu ku tilmaamay in golaha guurtida ay u abaalgudayaan Rayaale kadib markii uu horay xilliga golaha guurtida ugu kordhiyay.

Haddaba mawqifka iyo sida ay u arkaan muddo kordhintan ayaa waxaa Yoonis Cali uu ka waraystay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, Mr Ahmed mohamed Silayo.

Wuxuuna si kulul u dhaleeceeyay qaabka loo maray dib u kordhinta xilligan oo uu sheegay in ay tahay in ammaandaro loo cuskado muddo kordhinta, isagoo yiri waxay ka hor imanaysaa dadaalkii aqoonsi doonka iyo ammaankii ay Somaliland ku faanaysay.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin