BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
11 Abriil, 2008, 11:18 GMT; 14:18 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Doon Faransiiska oo la sii daayay
 
Burcad badeed Soomaali ah
Burcad badeed Soomaali ah
Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa sheegay in 30 oo u badan Faransiis, oo koox burcad badeed Soomaali ah ay ku heysteen xeebaha Somalia in la sii daayay.

Warbixin ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Sarkozy ayaa lagu sheegay inuu u mahad celiyay ciidamada Faransiiska iyo hey'adaha kale ee waddankaasi ee ka shaqeeyay in arrintaasi afduubka ah si dhaqso ah loo soo gabagabeeyo.

Warkan ka soo baxay Faransiiska maanta ayaanan sheegin doorak ay ciidamada Faransiisku ku lahaayeen sii deynta markabkaasi iyo shaqaalihiisa, laakiin waxa lagu sheegay in la sii daayay shaqaalahaasi iyadoo aan wax dhibaato ah dhicin.

Kooxda burcad badeedka Soomaalida ayaa waxa ay qabsadeen markabkaasi Faransiiska oo ah kuwa dalxiiska loogu talagalay 4tii bishan, iyadoo soddonka shaqaalaha ajnabiga ay 22 ka mid ah ahaayeen Faransiis.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin