BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
09 Abriil, 2008, 11:20 GMT; 14:20 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Kulmiye oo lagu eedeeyay qaraxyo
 

 
 
hargeisa
Bartamaha magaalada Hargeisa
Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland C/laahi Ismaaciiil Cirro ayaa ku eedeeyay xisbiga mucaaradka ee Kulmiye inay ka danbeeyeen qarax ka dhacay xaruunta Golaha Guurtida Somaliland ee magaalada Hargeisa.

Wasiirka ayaa sheegay in xisbiga mucaaradka Kulmiye uu si toos ah uga dambeeyay qaraxaasi iyo mid hore oo dhawr maalmood ka hor lala beegsaday guriga mid ka mid ah xubnaha gudiga doorashada Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa beeniyey eedeeyntaasi inay ka danbeeyeen qaraxaasi.

Siilaanyo waxa uu ku tilmaamay eedeeynta dowladda Somaliland inay tahay aflagaado, isagoo sheegay inay doonayaan cadeyn ku saabsan in ay ka danbeeyeen qaraxaasi.

Magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyada la baxaday Somaliland ayaa maanta waxaa ka dhacay qarax.

Qaraxa ayaa ka dhacay gudaha xaruunta golaha guurtida Somaliland, oo ka soo horjeeda xaruunta madaxtooyada.

Qaraxa oo dhacay abaarihii 12-kii duhurnimo ayaa cid wax ku noqon, inkastoo uu burburiyay qeybo ka mid ah dhismaha iyo qalabkii yaalay xafiisyada.

Xilliga qaraxu dhacay ayaa waxa ay ahayd waqti shaqaalaha xaruunta Golaha Guurtida Somaliland ay ka rawaxeen halkaasi.

Waa markii sadexaad oo todobaad gudihiis uu qarax ka dhaco Hargeysa.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin