|
Markab weli lagu heysto xeebta gobolka Mudug
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Koox burcad badeed Somali ah oo markab Faransiis ah ku heysta xeebta gobolka Mudug ee Somalia ayaa waxa ay dileen laba qof
oo rayid ah oo ka tirsan dadka deegaankaasi.
Kooxda oo ku heysta markabkaasi xeebta tuulo u dhaw degmada Garacad ee gobolka Mudug ayaa waxay dileen labadaasi qof ee deegaanka, kadib markii ay isku dayeen in ay is hortaagaan burcaddaasi. Dawladda Faransiiska ayaa ciidamo booliis ah oo si gaar ah u tababaran waxay u dirtay gobolka geeska Africa, si ay diyaar ugu noqdaan inay fara geliyaan haddii lagu guuldareysto wada xaajood u socda koox burcad Soomaali ah oo markab yar oo kuwa dalxiiska loogu tala galay ah iyo shaqaalihiisi ku heysta xeebta Somalia. Kooxdan booliiska Faransiiska oo si gaar ah loogu tababaray badbaadinta dadka la afduubo ayaa loo duuliyay saldhig ciidamada militeriga ee Faransiisku ku leeyihiin waddanka Djibouti.
Faransiisku waxay sheegeen in ay xiriir la sameeyeen kooxda burcad badeedka ah. Markabkan yar ee laga leeyahay waddanka Faransiiska ayaa kooxda burcad badeedku ku heystaan soddon qof oo ah shaqaalihii markabkaasi. Markabka oo la afduubay maalintii Jimcaha ayaa ciidamada badda ee Faransiisku ay sheegeen inay kor kala socdaan, waxaana wararku ay sheegayaan in saddex markab oo kuwa dagaalka ah oo uu leeyahay Faransiisku ay ku hareereeysan yihiin. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||