BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
08 Abriil, 2008, 16:21 GMT; 19:21 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ciidamada Midowga Afrika oo la weeraray
 

 
 
au
AU waxaa Somalia ka jooga ciidamo nabad ilaalin
Qarax weyn iyo hoobiyeyaal alaa lala beegsaday jaamacaddii Gahayr iyo dugsigii tababarka Xalane oo ay deggan yihiin ciidamada Burundi iyo Uganda ee ka tirsan ciidanka nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.

Qaraxaasi oo aan la aqoon waxa uu yahay ayey wararka qaar sheegayaan in uu ahaa baabuur sida muuqata laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaasoo qaraxiisu uu gil-gilay dhammaan degaanka ku dhow-dhow isla markaana laga maqlaya magaalada oo dhan.

Sida ay goobjoogeyaal ku sugan Muqdisho u sheegeen BBC-da, waxaa ilaa meel fog laga arkayaa qiiqa aad u weyn oo cirka isku shareeray, hase yeeshee weli lama oga khasaaraha uu geystay qaraxaasi.

Afhayeen u hadlay ciidamada Midowga Afrika oo ay BBC-du la xiriirtay ayaa sidoo kale xaqiijiyey qaraxaasi weyn, hase yeeshee waxa uu ka gaabsaday in uu tafaasiil ka bixiyo khasaasaraha halkaasi ka dhashay.

Sidoo kale, afhayeenkaasi waxa uu BBC-da u sheegay in halkaasi qaraxa lala abbaaray ay deggan yihiin ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalka Burundi.

Nin u hadlay Al-Shabaab oo BBC-da la soo xiriiray wax yar kaddib markii qaraxaasi dhacay ayaa sheegtay in ay iyagu ka masuull ahaayeen falkaasi lagu weeraray saldhiggaasi ciidamada Burundi ee Midowga Afrika.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin