|
Nuur Cadde oo la kulmaya hey'adaha samafalka
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Ra'iisul Wasaaraha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Nuur Xassan Xuseen, ayaa maanta kulan kula leh wakiilada hay'adaha
gargaarka magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kullanka ayaa la filayaa inay uga wada hadlaan labada dhinac xaaladda bini'aadanimo ee ka taagan Somalia. Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ilaa laba million oo Soomaali ah ay u baahan yihiin cunto gargaar ah, daryeel caafimaad iyo hoy. Mid ka mid ah meelaha aadka ugu daran ayaa ah agagaarka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Boqolaal kun oo dad ah, oo ka cararay dagaalada ka dhacay magaalada Muqdisho sanadkii tagay ayaa halkaas degay. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||