BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
07 Abriil, 2008, 13:13 GMT; 16:13 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Qarax ka dhacay magaalada Hargeisa
 

 
 
hargeisa
Magaalada Hargiesa
Qarax ayaa ka dhacay xalay guri ku yaala magaalada Hargiesa oo uu leeyahay mid ka mid ah xubnaha guddiga doorashada Somaliland.

Qaraxa oo aan wax dhibaato ah geysan, ayaa ah kii labaad ee lala beegsado mas'uuliyiinta Somaliland muddo toddobaad gudihiis ah.

Xubinta guddigaasi ka tirsan ee lala beegsaday gurigiisa qaraxaasi oo la yiraahdo Jaamac Maxamuud Cumar ayaa BBC u sheegay in qaraxu dhacay xalay saacadu markay ahayd 8-dii fiidnimo, uuna ka dhacay banaanka danbe ee gurigiisa, wax dhibaato ahna aanu geysan.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo aan isna wax faahfaahin dheeraad ah ka bixin qaraxaasi ayaa BBC u sheegay in qaraxyadaasi ay yihiin kuwo lagu cabsi gelinayo mas'uuliyiinta, hadda ka horna ay horey u dheceen.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin