BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
27 Maarso, 2008, 17:03 GMT; 20:03 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ka ganacsiga shidaalka ee Bariga Africa
 

 
 
petrol
Soomaali badan oo ku nool Bariga Africa ayaa ka ganacsata shidaalka
Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ilaa intii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxay u weecdeen dhinaca warshadeynta, gaar ahaan kuwa aan maalgelinta xooggan u baahnayn ee loo yaqaanno warshadaha fudud.

Warshadaha fudud oo ay ka shaqeeyaan inta badan dad u dhexeeya 5 qof ilaa 20 qof ayaa u dhexeeya kuwo uu qoys keligiis ka shaqeysto ilaa shaqaale kooban kuwaasoo wax soo saarkooduna uu sarreeyo gaar ahaan waddamada shacabkoodu yar yahay,warshado waawayna aan lahayn sida Soomaaliya oo kale.

Haddaba, warshadahan fudud oo dunida meel kasta laga heli karo, ayaa waxay ugu sii jaban yihiin qaaradda Asia, sida waddama Shiinaha, Indonsia iyo Malaysia, kuwaasoo sicirkooduna uu dhexeeyo toban kun oo dollar ilaa 50,000 oo dollar, qiimahaasoo ay ganacsatada aan lacagta badan haysan ay gadan karaan.

Warshadahan fudud waxaa ka mid ah kuwa biyaha nadiifiya, kuwa oomada iyo saabuunta, kuwa shaambooyinka, baastada, dib u samaynta bacaha la isticmaalay iyo bacyaasha cusubba .

Maanta waxaan barnaamishka ku eegaynaa warshad kuwa noocaas fudud ah oo samaysa shaambada oo ayna ka garab furan tahay mid biyaha nadiifisa.

Magaalada Hargeysa waxaa ka jirta wershad soo saarta Biyaha, Shaambooyada ,iyo noocyo saabuun ah, wersheddaasoo muddo sannad ah hadda jirtay.

Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa booqday wersheddaasi oo warystay Maareeyaha wershadda Axmed Gaas Cali.

Magaalada Eldoret ee gobolka Rift Valley ee dalka Kenya waxay ka mid tahay goobaha ay dadka Soomaaliyeed ku leeyihiin hawlo kala duwan oo dhinaca ganacsiga ah. Shirkadda la yiraahdo Hashi Empex oo shidaalka u dhoofisa dalalka bariga iyo bartamaha Afrika.

Weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoodhacey ayaa dhowaan booqdey xaruunta shirkada ee magaalada Eldoret, waxaana uu halkaasi kula kulmey maareeyaha guud ee shirkadaasi Axmed Cali oo uu ka wareystay hawlaha shirkadaasi.

 
 
WARARKA LA XIRIIRA
Ganacsiga Kalluunka
19 Maarso, 2008 | Wararka
Ganacsiga magaalada Gaalkacyo
14 Maarso, 2008 | Wararka
Barnaamijka Ganacsiga
28 Februweri, 2008 | Wararka
Barnaamijka Ganacsiga
20 Februweri, 2008 | Wararka
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin