|
Ganacsiga Kalluunka
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somalia ayaa leh xeebta ugu dheer Afrika oo dhirirkeedu gaarayo 3,025km, kheyraadka bada sida kaluunka ayaa ganacsigiisa
iyo cunidiisa aad u kordhay sanadahan danbe.
Waxaa aad u kordhay qiimaha cuntada aduunka oo dhan gaar ahaan waddanka Somalia, Kaluunka waxa uu ka mid yahay cuntada ugu raqiisan nafaqadiisana ay aad u badan tahay. Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa magaalada xeebta ah ee Berbera waxa uu kula kulmay Cabdi Biixi Cabdalle oo muddo dheer ganacsiga kalluumeysiga ku hawlannaa noocyada kalluunka Berbera laga ganacsado Qaybta kale ee barnaamijka ganacsiga, rabshadihii ka dhacey Kenya waxay siii weyn u curyaamiyeen hawlihii dekedda weyn ee Mombasa. Dekedan ayaa laf dhabar u ahayd dhowr dal oo gobolka ku yaala kuwaas oo aan lahayn dekado. Haddaba waxaa ay arintan fursad dhaqaale oo weyn u noqotey dekedda magaalada Daressalaam ee dalka Tanzania oo haatan la wareegtey inta badan adeegyada dalalka gobolka iyo kuwa ganacsatada. C/risaaq Axmed Maxamed waxaa uu ka mid yahay ganacsatada Soomaalida ee horey badeecadahooda uga soo degsan jirey dekedda Mombasa, haatanna u wareegey dekedda magaalada Daressalaam. Weriyaha BBCda Daud Aweis ayuu uga waramay sababaha sida gaarka ah u taabtey ee dhaliyey inuu alaabadiisa ganacsi ka soo degsado dekedda magaalada Daressalaam. |
WARARKA LA XIRIIRA
Ganacsiga magaalada Gaalkacyo14 Maarso, 2008 | Wararka
Barnaamijka Ganacsiga: Sicir bararka cuntada 12 Maarso, 2008 | Wararka
Barnaamijka Ganacsiga28 Februweri, 2008 | Wararka
Barnaamijka Ganacsiga20 Februweri, 2008 | Wararka
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||