01 Februweri, 2008, 18:16 GMT; 21:16 SGA
Hay'adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn -Médecins Sans Frontières (MSF) waxa ay sheegtay in ay si aad ah u dhibsadeen ugana xumaadeen waxa u muuqday weerar qorshaysan kaasoo keenay dilka saddex ka mid ah shaqaaleheeda.
War saxaafadeed ay soo saartay ay MSF ku sheegtay in xaaladda oo aan caddeyn darteed ay waqtiga la joogo shaqaaleheedii caalamiga ahaa si KMG ah ugala baxday Soomaaliya.
Madaxa golaha guud ee hay'adda MSF, Mr Christoph Furniew, oo hadda jooga magaalada Geneva ee dalka Switzerland, oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay inay doonayaan inay ogaadaan in weerarkii lagu dilay saddex ka mid ah shaqaalahooda ay ahayd arrin lagu bartilmaameedsanayay.
Christoph Furnier waxa uu sheegay in ay hawsha sii wadi doonaan shaqaalaha Soomaalida, laakiin ay go'aan ku gaareen in ay la baxaan shaqaalahooda caalamiga ah.