http://www.bbcsomali.com

01 Februweri, 2008, 17:31 GMT; 20:31 SGA

Yusuf Garaad Omar
BBC London

Doodda Ardeyda

Dowladda dalkan Britain ayaa sheegtay in Jaamacadaha dalka ay tahay in lagala dagaallamo fikradaha xag-jirka ah ee dhiirri gelin karin nacayb iyo in ay dadku isu gacan qaadaan amaba ay fuliyaan falal argagixiso.

Falanqeynta

Laakiin, dhinacyada qaar waxay ka muujinayaan walaac ah in ay arrintu isugu soo biyo shuban doonto in ardeyda muslimiinta uun la daba galo, taasina ay noqon karto mid keenya dhibaato hor leh.

Dowladdu waxay si cad u sheegtay in ujeeddadu aanay ahayn in ardeyda diintooda ama isirkooda lagu daba gelayo ee ay tahay in laga hor istaago in la faafiyo firkadaha horseeda kara xag jirnimada iyo argagixisada.

Dugsiga SOAS, ee aqoonta Bariga iyo Afrika oo ka tirsan Jaamacadda London, ayaan booqday halkaas oo aan kula kulmay qaar ka mid ah ardeyda Jaamacadda dhigata ee Soomaalida ah.

Ardey Jaamacadda dhigata oo Soomaali ah ayaan halkaas kala sheekeystay aragtidooda ku wajahan siyaasadda dowladda ee Jaamacadaha iyo guud ahaanba fikirka ay ka qabaan dhallinyarada iyo xag jirnimada.