http://www.bbcsomali.com

01 Februweri, 2008, 13:58 GMT; 16:58 SGA

Yusuf Hassan Mursal
BBC Hargeisa

Dagaal ka dhacay Diinsoor

Degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay ayaa waxa ka dhacay dagaal xoog leh oo laga maqlayay deegaanada u dhaw dhaw magaaladaasi.

Dagaalka Diinsoor

Dagaalka ayaa waxa uu dhaxeeyaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah iyo ciidamo kale oo la sheegay inay ka soo horjeedaan joogista ciidamada Ethiopia ee ku sugan Somalia.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay BBC in dagaalka la isku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka inkastoo aan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha labada dhinac.