|
Barnaamijka Ganacsiga
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Cashuurta wadanka uu ka qaado dadka iyo ganacsatada ayaa laf dhabar u ah dakhliga soo gala dowlada si ay lacag ugu hesho howlaha
ay wadanka u qabato.
Wadamada aduunka canshuurta ay dadka iyo ganacsatada ka qaadaan ayaa aad u kala yar. Dadka ayaa isku daya inay canshuurta kala dhuuntaan wadamada canshuurta badan qaada oo lacagtooda gaysta wadamada canshuurta yar qaada Yurub wadamada ay ka mid tahay Liechtenstein ayaa dadka bangiyada dhigtaan lacagtooda si ay san canshuur u bixin wadamadooda Wadanka Germany ayaa hada ay socotaa dacwad fadeexadii ugu waynayd ee la xiriirta canshuur la bixin waayay ee taariiqda wadankaaasi. Madaxii shirkada boostada ee Germany ayaa fadeexada cashuur bixin la'aanta darteed shaqada iska casilay ,waxaana baaritaan uu ka socdaa dadka laga shaki qabo inaysan canshuur bixin wadanka oo dhan oo xiriir la leh lacago lagu kayd saday wadanka Lichtenstein. Germany ayaa ka dhunta lacag dhan 45 billion oo dollar sanadwalba canshuurta aan la bixin. Klaus Zumwinkel oo ahaa Madaxii Boostada Jarmalka ayaa jagadiisa iska casilay fadeexaddan darteed.
Dowladdu waxay sheegay in ilaa hadda 91 qof ay qirteen inay aysan bixin canshuuraha waddanka. Dhinaca kale, nta badan dadka ku nool dalka Mareykanka ayaa xilligan oo kale sanad walba sameeya canshuur bixinta sanadka, taas oo eey kula xisaabtamaan dowladda dhexe iyo midda gobolka. Soomaalida ku nool Mareykanka ayaa si weyn u suga xilliga canshuur bixinta, maadaama qaar badan oo kamid ah eey sugaan in xoogaa lacag ah eey dowladdu usoo celiso. wariyaha BBC ee Washington, C/raxman Caynte ayaa dhawaan booqday xarunta Mustaqbal ee xisaabaadka Canshuurta, wuxuuna wareystay maamulaha xarunta C/raxman Sh. Cumar. waxaana uu uga waramay nidaamka canshuur bixinta Mareykanka. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||