BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
17 Janwari, 2008, 17:33 GMT; 20:33 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Taariikhdii iyo fankii Xasan Sheekh Muumin
 

 
 
somali
Hassan Sh Muumin waxa uu ahaa abwaan caan ah
Xasan Shiikh Muumin, oo ahaa abwaan weyn oo Soomaaliyeed, ayaa ku geeriyooday magaalada oslo ee dalka Norway, habeennimadii xalay oo bishan January ahayd 16.

Abwaan Xasan Shiikh muumin, Alle ha u naxariistee, waxaa uu ka mid ahaa odayaasha uga fac iyo magac weyn fanka Soomaalida.

Riwaayaddiisii Shabeel Naagood oo ay dad badani ku tilmaamaan in ay tahay horyaalka Riwaayadaha Soomaaliyee ayaa maskaxdiisa ka soo fushay.

Barnaamijkan oo ay BBC-du ku eegeyso hal abuurkii Abwaan Xasan Shiikh Muumin, waxaan ku billaabayaa barnaamij ay BBc-du hadda ka hor ka sameysay abwaanka, oo ku saleysan Riwaayaddiisa Shabeel Naagood oo tiyaatarkii Muqdisho lagu duubay, waxaa barnaamijkaasi sameeyay Maxamed Rashiid Shiikh Xasan oo xilligaas ka tirsanaa BBC.

Heesta Ramadanka ee Marxab Marxab ayaa ka mid ah kuwa lagu xasuusto oo isaga qudhiisa uu ku luuqeyay.

Waxaad kaloo ku maqleysaan barnaamijkan gaarka ah mid ka mid ah heesaha uu sameeyay abwaanka Xasan Sh Muumin, waa heesta Laaleys oo ay ku luuqeyso fannaanadda caanka ah Hibo Maxamed.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin