12 Disembar, 2007, 12:20 GMT; 15:20 SGA
Axmed Maxamed Cali
BBC Mecca
In ka badan 3 milyan oo qof oo ka kala yimid daafaha caalamka ayaa ku soo qulqulaya magaalada barakaysan ee Maka si ay gutaan waajibaadka xajka iyo cumrada ee sannadkan taas oo magaalada Maka ka dhigtay meel saxmad badan oo dadka iyo baabuurtu ay aad ugu badan yihiin.
Dadka intiisa badan waxay ku jiraan isu diyaarinta gudashada xajka kuwo kalana waxaa weli u socda gudashada cumrada oo waqtigeedu socon doono tan iyo siddeeda bisha Dulxija ee aynu ku jirno markaas oo ay dadku u dareeri doonaan Mina oo ay uga sii gudbi doonaan Carafa.
Dadka ku dhaqan Boqortooyada Sucuudigu gaar ahaan magaalooyinka barakaysan ee Maka iyo Madiina waxay munaasabadda xajku u tahay fursad ganacsi oo ay ka faa'iideystaan dad aad u fara badan.
Shirkadaha telefoonada ayaa ka mid ah hay'adaha sida wayn ugu xisaabtama waqtiga xajka kuwaas oo xujayda ka iibiya karaka hadalka ee telefonada ganacta taas oo ay xujayda u fududaysa dhinaca isgaarsiinta.
Waqtigan marka si gaar ah loo eego magaalada Maka waxaa isku mid ah xilliyada hebeenkii iyo maalintii waxaana furan dhammaan goobaha ganacsiga gaar ahaan meelaha lagu iibiyo dharka, cuntada, dahabka iyo qalabka kale.
Waddooyinka oo dhana habeenkii iyo maalintiiba waxaa buuxiya dadka xujayda ah ee u socda masjidka xaramka ama ka imanaya, waxana xusid mudan in xiili walba waddooyinka tagaa masjidka ay ka taagan tahay saxmad aad u ballaaran.
Marka la eego Soomalaida sannadkan xajka gudanaysa waxay isugu jiraan dad ka kala yimi gobollada dalka oo dhan, kuwo ka soo xajiyay dalalka geeska Afrika oo ay ka mid yihiin Kenya. Itoobiya iyo Ugandha iyo kuwo kale oo iyana ka yimi dalalka carabta, Yurub iyo Maraykanka.
Sannad walba wasaaradda arrimaha xajka ee boqortooyada Sucuudigu waxay diyaarisaa qorshe ay ugu talagalaysao tirada ka soo xajinaysa dalalka caalamka, dalka Soomaaliya sannadkan waxaa loo qorsheeyay inay ka soo xajiyaan dad gaaraya 7500 oo qof.
Marka laga eego Soomaalida soo xajisay waxaa ku jira dhallinyaro iyo haween aad u fara badan marka loo eego sannadhii hore iyo waayadii ka sii horreeyay oo dadka xajka yimaada ay u badnaayeen dadka waawayn gaar ahaanna raga.
Taas waxaa lagu fasirayaa barashada iyo fahamka diinta islaamka ee Soomaalida oo si wayn kor ugu soo kacayay waqtiyadan dambe gaar ahaana dhallinyarada iyo haweenka oo si wayn looga dareemayo munaasabadaha xajka ee sannadihii dambe.
Dawladda Sucuudiga ayaa iyana dhinaceeda waxay ka wadaa diyaargarow xoog leh kaas oo xujayda loogu fududaynayo gudashada hawlaha xajka, waxaa la joojiyay in magaalada Maka ay soo galaan dadka aan xujayda ahayn ee danaha kale u socda meel kasta oo ay ka yimaadaan iyo dhalasha kasta oo ay wataan.
Waddooyinka magaalada waxaa ku soo kordhaya ciidamo isugu jira boolis caadi ah, taraafikada iyo kuwo kale oo lagu magacaabo amniga guud kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay teendhooyin ka samaysanayay daafaha waddooyinka waawayn gaar ahaana kuwa u baxaya dhinaca Mina.
Waxaa kale oo dhinaca Mina ku sii qulqulaya boqollaal baabuurta caafimaadka ee gargaarka degdegga ah ee loo yaqaano Ambalska iyo kumanaan dhakhaatiirta wasaarada caafimaadka ee Sucuudiga kuwaas oo xujayda ka caawin doona dhinaca faafimaadka.
Waxaa kale oo waddoyinka magaalada lagu dhejiyay boorar ama tabbeelayaal loogu talagalay nabadgelyada xujayda kuwaas oo ku
qoran afaf kala duwan si xujaydu ay uga fogaadaan saxmadda ay inta badan ka timaaddo dhimashada iyo dhaawaca.