BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
29 Disembar, 2007, 10:33 GMT; 13:33 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Afhayeenkii Gobolka Banaadir oo la dilay
 

 
 
somali
Afhayeenkii maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxiyadiin
Afhayeenkii maamulka gobolka Banaadir Maxamed Muxiyadiin Cali ayaa lagu dilay qarax miino oo kuwa gacanta laga hago ah, kadib markii uu ka soo baxay gurigiisa oo ku yaal degmada Kaaraan.

Cabdullaahi Maxamed Rooble oo ah Guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa BBC u xaqiijiyay dilka afhayeenka gobolka Banaadir.

Afhayeenka ayaa qaraxaasi kadib waxaa loola cararay Isbitaalka Keysaney, halkaasi oo uu ugu dhintay dhaawacii ka soo gaaray qaraxa miinada oo la sheegay inay ka dhacday meel garaash ah oo u dhawayd gurigiisa oo ku yaal degmada Kaaraan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay soo qabteen ninkii ka danbeeyay qaraxaasi.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin