BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
11 Nofembar, 2007, 13:30 GMT; 16:30 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Xaaladda Muqdisho
 

 
 
mogadihsu
Ciidamo Ethiopian ah
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa cakiran maanta iyada oo ciidamada Ethiopia iyo kuwa dawladda KMG ee Somalia ay xidheen wadooyinka ugu waaweyn magaalada.

Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale xiran, iyadoo ciidamadu saaka waaberigii ay go'doomiyeen suuqaasi. Dad badan ayaa ku xayiran Suuqa gudihiisa, iyadoo aan la geli karin, lagana soo bixi karin.

Wadooyinka ay xireen ciidamada Ethiopia iyo kuwa dawladda waxaa ka mid ah Jidka Warshadaha, Jidka Sodonka, iyo bartamaha.

Ciidamada Ethiopia ayaa hawlagalada ay magaalada Muqdisho ka wadaan ku xirxiray dad badan, waxaana ka mid ah dadka ay xireen afhayeenka golaha dhaqanka beelaha Hawiye Axmed Diiriye.

Cabsi weyn ayaa magaalada ka jirta iyo rasaas iyo madaafiic goos goos ah oo ay ridayeen ciidanka Ethiopia ayaa saaka laga maqlayay magaalada.

Waxaa dhamaan istaagay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoo dhinaca kale weli uu magaalada ka socdo qax weyn oo dadku ay isaga cararayaan guryahooda.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin