![]() |
Hargeysa oo lagu xirxiray siyaasiyiin | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Guddoomiyaha ururka siyaasiga ah ee QARAN, Dr Maxamed Cabdi Gabboose ayaa la ii sheegay in saaka abbaara 8-dii boliisku ka soo kaxeeyeen gurigiisa, kaddibna maxkamadda gobolku u dirtay Xarig rumaan ah oo 7 maalmood ah. Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Qaran, Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa isaga oo ay wadaan dhawr nin oo boliis ahi waxaan kula kulmay maxkmadda abbaara 9:30 subaxnimo markaasi oo garsoore Siciid Cabdi Yuusuf uu sheegay in denbi ciqaabeed ay ku soo oogeen xeer ilaalinta dowladda iyo CID-du loo heysto inta baaristu socotana loo dirayo xabsiga muddo toddoba maalmood ah. Aragtida Maxamed Xaashi Maxamed Xaashi wuxuu ku tilmaamy xariggaasi mid caddaaladda ka fog oo meelna aan kaga jirin ayuu yiri dastuurka iyo shuruucda u taalla Somaliland. Wuxuuna intaasi ku daray in aanu jirin denbi ciqaabeed iyo mid kale oo ay galeen laakiin ay furteen buu urur dastuurku u jideynaayo. Abbaara tobankii subaxnimo ayaa guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Qaran, Jamaal Caydiid, isagu iskii u yimid maxkamadda, wuxuuna sheegay in mar haddii la raadinaayo oo saaxibadiisii kalena la xiray uu is-keenay isagu maxkamadda. Jamaal wuxuu sheegay in xariggan uu u arko dhaqankii dowladdii hore ee keli taliska ahayd, dastuurkuna u fasaxaayo is-abaabul unug bulsho. Amarka qabashada waxaa saxeexay maxkamadda gobolka Hargeysa. Dowladda Somaliland iyo xarigga raggaasi Wasiirka Wasaaradda Arrimha Gudaha ee Somaliland, Cabdillaahi Ismaaciil Cirro ayaa BBC-da u sheegay in xariggani ka dambeeyay markii ay nimankaasi ka dhego-adeygeen digniino dhowr ah oo dowladdu ku amartay inay joojiyaan hawlgallada iyo kulamada siyasadeed ee ay wadaan. Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in raggaasi ay ku kaceen - waa siduu hadalka u dhigaye- falal khal-khal gelin nabadgelyo ah oo ay iska billaabeen ololle doorasho iyadoon xataa xisbiyadii saddexda ahaa ee sharciga ahaa aanay olollehoodii siyaasadeed billaabin. Hawlqabadka booliska Taliyaha Guud ee Ciidanka Boliiska Somaliland, Generaal Maxamed Saqadhi Dubbad, oo isagu hoggaaminayay hawlgalka qab-qabashada hoggaamiyayaasha ururka Qaran ayaa BBC-da u sheegy in markiiba siyaasiyiintaasi saddexda ah loo dhaadhiciyay xabsiga dhexe ee Mandheera ee ku yaalla jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, maxkamadna la soo hortaagi doono. Aragtida xisibiga mucaaradka ee KULMIYE Guddoomiyaha xisbig mucaardka ah ee KULMIYE, Axmed Siilaanyo, ayaa cambaareeyay xariggaasi oo ku tilmaamay dulmi, caga-juglayn iyo xorriyaddii oo xukuumaddu ay ku tumaneyso. Ururka siyaasiga ah ee QARAN oo siyaasiyiinta hadda la xiray kaga dhawaaqeen Hargeysa horraantii Bishii April ee sannadkan ayaa xukuumaddu ku tilmaantay mid sharci darro ah oo dastuurku oggol yahay oo keliya in Somaliland ay ka jiraan saddxda xisbi ee hadda jira. | QODOBADA WARKA UGU HOREEYA | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||