BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
17 Julaay, 2007, 13:24 GMT; 16:24 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Qaraxyo ay dad ku dhinteen Bakaaraha
 
Maleeshiyo Soomali oo hubaysan
Maleeshiyo Soomali oo hubaysan
Goobaha ay shalay qaraxyada iyo xabadaha ka dhaceen waxa ka mid ah meel u dhaw isgoyska H/wadaag, agagaarka shirkadda duulimaadyada ee Daalo iyo gudaha suuqa bakaaraha oo iyadana qarax weyn laga maqla.

Taliyaha howlgallada ciidamada booliska Yuusuf Dhuumaal, ayaa ku eedeeyay qaraxyada in ay ka danbeeyaan kooxo qaswadayaal ah oo dhalinyaro yar yar u soo dhiibo waxyaabaha qarxa sida uu taliyuhu caddeeyay,laakiin carrabka kuma dhufan kooxdaasi. waxa ay yihiin balse qaar ka mid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa dhinacooda ku eedeynaya qaar ka tirsan askarta xiran tuutaha ciidamada in ay qaraxyada ka ridaan suuqa gudahiisa.

Yuusuf Dhuumaal oo aan wax ka weydiiyay eedeymaha ka soo yeeraya ganacsatada suuqa ayaa sheegay in ay jiri karaan qaladaad yar yar oo ka dhici kara ciidamada dhab ahaana ay eedeymahaasi yihiin kuwo dacaayad ah oo la doonayo in wax loogu dhimo sumacadda ciidamada dowladda.

Dhanka kale gudoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha Cali Maxamad Siyaad oo maanta BBCda u waramay, ayaa si aad ah uga deyriyay xaaladda uu hadda ku sugan yahay suuqa bakaaraha waxa uu sheegay Cali ganacsatada suuqa hadii aay yihiin, in ay joogaan heer quus ah hadii xaaladdu sidan sii ahaatana ay ka cabsi qabaan in suuqu wada xirmo isagoo intaa raaciyay in ganacsatadii waaweyneyd ay suuqa ka tageen oo qaarkood ay dibadda u baxeen qaar kalana gudaha wadanka markii ay u adkeysan waayeen qaraxyada iyo dagaalada joogtada noqday ee suuqa bakaaraha ka dhacaya.

Ciidamada dowladda ayaa waxa ay howlgallo ka wadeen suuqa bakaaraha muddo 12 casho hase ahaatee, maalmihii la soo dhaafay ee howgalladaasi socdeen ayaa waxa suuqa hareeyay qaraxyo iyo rasaas ay dad badan ku dhinteen waxana tani keentay in suuqa uu intiisa badan faaruq noqdo oo la xiro meheradihii ganacsiga ee waaweynaa sida carwooyinka iyo bakhaarada .

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin