BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
19 Abriil, 2007, 19:46 GMT; 22:46 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
QM oo eedaysay dowladda
 
gargaar cunto
Gargaar cunto
Eric Laroche waxaa uu yiri, shixnado gargaar oo u socda kumanyaal dad bara kacay ah ayaa waxaa hor taagan ciidammada dowladda Soomaaliya oo diiddan ayuu yiri in ay gaarto dadka tabaaleysan.

Dayaarad ay Qaramada midoobay leedahay ayaa la rasaas lagu riday ayuu yiri, meydku wuxuu daadsan yahay dariiqyada caasimadda daacuun ama shubanna waaa uu dillaacay, iyada oo daadna la filayo in uu dhowaan ku dhufto.

Mas'uulka Qaramada Midoobay Eric Laroche waxaa uu sheegay in Isniinta ay magaalada Baydhaba kula kulmayaan masuuliyiin ka tirsan dowladda, si looga hadlo arrintan, hase yeeshee ayuu yiri, ilaa iyo hadda dowladda KMG-ka ahi ma qaadin wax isku day ah oo ay ku taageereyso dadaalka aadminnimo ee QM.

Waxaa uu sheegay in ciidammada dowladdu ay joojiyeen 40 baabuur oo cunto kaalmo ah u siday 14 kun oo qof oo ku sugan meel u dhow Muqdisho.

Askartaasi waxay baabuurtii u diideen in ay raashinka qeybiyaan.

Shaqaalaha Qaramada midoobay ee Soomaalida ah, oo kaalin weyn ku leh hawsha QM ee Soomaaliya, Eric Larooche, wuxuu sheegay in xarig iyo meel ka dhac lagula dhaqmo meelaha Isbaarooyinka ah ee fatashka lagu sameeyo.

Saddex mortar ayuu lagu riday ayuu yiri dayaaraddii ugu dambeysay ee gargaar u qaadda iyada oo mareysa meel Muqdisho u dhow.

Inkasta oo aan in badan isku daynay in aan la xiriirno mas'uuliyiinta Ethiopia, marnaba wax jawaab ah kama helin ayuu yiri mas'uulka QM u qaabbilsan Somalia.

Mushkiladda kale ee aan cidina soo hadal qaadin, ayuu ku tilmaamay Eric Laroche in ay tahay, xanuunka daacuun oo halkaa ka dillaacay.

In ka badan laba iyo toban kun oo ruux ayaa la il daran ayuu yiri shuban, kaas oo inta badan daacuun ah.

Afar boqol iyo afar iyo toban ruux ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay ayuu yiri in ay daacuun u dhinteen.

Dadka cudurka qaba qaar badan oo ka mid ah lama daaweyn ayuu yiri dhibaatada naga haysata sidii aan gargaar u geyn lahayn awgeed.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin