BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
15 Janwari, 2007, 11:05 GMT; 14:05 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Idaacadaha Muqdisho oo irdaha loo laabay
 
Dadwaynaha Muqdisho
Dadwaynaha Muqdisho

Dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayaa amar ku bixisay in la xiro warbaahintii ugu waawaynayd ee madaxa banaanayd ee ku taalay magaalada Muqdisho, iyadoo amarkaasi lagu bixiyay in la xiro idaacadaha horn afrique, shabeele iyo idaacada quraanka kariimka ah.

Waxaa kale oo ay amar ku bixiyeen in ay saxafiyiinta telefishanka al jaziira ay joojiyaan hawshii ay ka hayeen magaalada mogadisho.

Talaabadani waxay soo baxday dhawr maalmood kadib markii ay dawladu xukun degdeg ah ku soo rogtay magaalada mogadisho.

Agaasimaha HornAfrik
 meeshii dowladnimo laga sugayay dib loogu noqdo fowdo iyo anigaa qori haysta, taasna waxaan u malaynayaa qof xal ku gaarayaa ma jiro.
 
Ahmed Abdisalam

Agaasimaha Iddaacada HornAfrik Ahmed Abdisalam, ayaa jawaab ka bixiyay talaabadan ay dawladdu qaadday.

Waxaa uu yiri "dowlad sidaa kuma shaqayn karto, caalamkuna xilli wuxuu joogaa transparent ay tahay, wuxuna hadii cidi qalad gasho, qaladkeeda inta maxkamad iyo la keeno lagala xisaabtano, waxayna runtii horudhac u tahay wixii aan horay u sheegaynay ama dad badan oo Soomaaliyeed ay walwal ka qabeen, oo ah in meeshii dowladnimo laga sugayay dib loogu noqdo fowdo iyo anigaa qori haysta, taasna waxaan u malaynayaa qof xal ku gaarayaa ma jiro."

Afhayeenka dowladda ku meelgaarka, Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Diinaari, ayaa difaacay tallaabada ay dowladdu ka qaaday qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho.

"Idaacadahaas iyo telefishinkaas waxay baahinayeen barnaamijyo kicin ah oo ay dadka u gudbinayeen, iyagoo duwayay hadafka laga leeyahay"

Wuxuu si gaar ah u eedeeyay idaacadda HornAfrika oo sheegay in ay si gaar ah ugu bareertay, qaybna ay ka noqotay baahinta warar kicinaaya dadka, iyadoo diyaarisa ayuu yiri dad ay ka dhaadhicisay falal liddi ku ah amniga iyo xasiloonida dalka.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin