BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Hub lagu wareejiyey Maxkamadaha
 
Maleeshiyo hubeysan
Waax Seeraar uu sheegey inuu Barre Hiraale la talshey intii uusan tagin
Guddoomiye ku-xigeenkii Isabaheysigii Dooxada Jubba, Yusuf Mire Seeraar oo BBC-da uga waramey hub wareejintaas ayaa sheegey iney Maxkamadaha ku wareejiyeen gaadiid qoryo saaranyihiin oo gaaraya 18 baabuur.

Waxa uu Yusuf Seeraar intaas raaciyey in hubka ay iminka Maxkamadaha ku wareejiyeen oo qeyb ka yahey hubkii ay heysteen, inta harteyna ay soo wadaan ooy dhawaan ku wareejin doonaan Maxkamadaha Islaamiga.

Mr Seeraar waxa kale oo uu BBC-da u sheegey in ciidan gaaraya 300 oo ruux ay ku wareejiyeen Maxkamadaha Islaamiga.

Waxa BBC-du Mr Seeraar weydiisey, markii aad hubkaagii iyo ciidamadii iyo weliba xukunkii Kismaayo aad Maxkamadaha ku wareejisey, maxaad ku badelatey ood wareejintaas ka heshey?

Maxaad ku badeletey hubkaagii?

Waxa Seeraar ku jawaabey, "waxaan ku badeshey muddo dheer ayaan dagaal sokeeye ku soo jirney, waxana imaan weysey midnimadii iyo qaranimadii, marka hadda waxa aan ku badeshey in aan nabad helo".

Mar Seeraar la weydiiyey gabi ahaanba adigu ma ka baxdey Baarlamanka dowladda KMG ah ood xildhibaanka ka aheyd, waxa uu Seeraar ku jawaabey "marnaba anigu ma doonayo Baarlamnkaas Amxaaradu wadato".

Dhinaca kale, Wariyaha BBC-da ee Baydhaba ayaa ku soo waramey in Guddoomiyihii Isbaheysiga Dooxda Jubba ee Burburey, Barre Hiiraale uu habeenkii Arbacadu soo galeysey gaarey magaalada Baardheere.

Sidoo kale waxa wriyaha BBC-du sheegey in Baardheere laga dhigey bannaanbax looga soo horjeedo qabsashada ay Maxkamadaha Islaamigu Kismaayo kula wareegeen.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin