|
Ciidan bil ku tagaya Soomaaliya | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika, oo fadhigiisu yahay magaalada Addis Ababa, ayaa ansixiyay hindishii IGAD ee ku saabsanaa in ciidan nabadda ilaaliya loo diro Soomaaliya. Ciidankaas oo tiradiisu tahay siddeed kun oo askari, waxaa la doonayaa in afar kun oo ka mid ahi ay isla bishan gudaheeda tagto Soomaaliya. Ujeeddadu waa in dowladda Soomaaliyeed ee tabarta daran lagu taageero. Hawlgalkan ayaa waxaa ku baxaya $ 931 milyan, sannadka koowaad. Lacagtaas weli lama oga cidda bixineysa. Waxaa kale oo hawlgalkan horyaalla in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, uu cunqabateynta hubka ka qaado Soomaaliya, si ay ciidammada IAGD ay ula galaan dalka hub si sharci ah. Dhibka kale ee hor yaalla hawlgalkan ayaa ah in ay Maxkamadaha Shareecada oo gacanta ku haya qeybo badan oo Koofurta Soomaaliya ka tirsan ay aad uga soo horjeedaan in ciidan shisheeye la kaeeno dalka. Laakiin arrintaa waxaa gaashaanka u daruuray Danjiraha Kenya u fadhiya Addis Ababa oo sida ay sheegtay wakaaladda AFP ku tilmaamay diidmadaasi in ay tahay mid aan buurneyn oo ka timid koox yar. Sidoo kale, Madaxa Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika, Said Djinnit, ayaa BBC-da u sheegay in diidmadaas ay markii horeba qabeen Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho fadhin jiray. Dhawaaqan ka soo yeeray Addis Ababa, ka horna Nairobi ay ka soo saareen Hoggaamiyayaasha Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya, ayaa ah mid ay ka soo horjeedaan hoggaamiyayaasha Djibouti iyo Eritrea. Sidaa oo kale, Madaxweynaha Sudan ayaa wufuudda Soomaaliyeed ee wadahadalka ku galay Khartoum waxaa uu u sheegay in aan dalkoodu ciidan u baahnayn. Si kastaba ha ahaatee, arrintan waa mid ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba ay ku kala qeybsan yihiin isla markaana horseedi karta xaalad cusub oo ammaan iyo weliba siyaasadeed in ay Soomaaliya gasho. | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||