BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Shirka Soomaalida ee magaalada Khartoum
 
Khariidadda Soomaaliya
Waxa la hubaa in labada dhinac ay ka hadli doonaan ciidamada Ethiopia ee la sheegey in Soomaaliya dhex joogaan
Shirkan oo Ururka Jaamcadda Carabtu uu dhexdhexaadinayo waxa la filayaa in diiradda lagu saaro sida ay u suurtgaleyso in awoodda dalka ay u qeybsadaan dowladda KMG ah oo Qaramada Midoobey iyo waddamo badan ay taageersanyihiin iyo Maxkamadaha Islaamiga oo iyagu xukuma caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo dhulka ku xeeran.

Kulankani waa kii koobaad muddo laba bilood ah ooy labad dhinac si fool-ka-fool ah isku soo hor fadhiistaan.

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aden oo hogaaminaya wafdiga dowladda KMG ah u dirsatey shirkan iyo Dr Ibrahim Xasan Cadow oo isaguna madax ka ah wafdiga ka socda Maxakamadaha Islaamiga, ayaa labaduba shaley ka qeyb qaatey barnaamij laanta Af Soomaaliga ee BBC-du ay toos codkooda Telefan u soo galisey.

Waxana labada mudane ay dadkii dhageysanayey fikir ka siiyeen waxayaabaha ay maanta ka wada hadli doonaan.

Shariif Xasan

Guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan ayaa BBC-da u sheegey in labada dhan ay dadaalayaan oo labada dhinacba ay ka go'anatahey in la heshiiyo, oo wadahadalo si dhab ah arimaha Soomaaliya u khuseeya looga wada hadli doono shirkan. Waxana uu Shariif Xasan intaas raaciyey inuu rajeenayo in natiijio fiican laga gaari doono shirka maanta u bilaabmaya labada dhinac.

Dr Ibrahim Cadow oo la weydiiyey haddii ay jiraan wax gaar ah oo ay Maxkamaduhu shirka ka dalbanayaan; si nabad loo gaaro, ayaa ku jawaabey "wax gaar ah ma wadano, wixii dowladda iyo shicibka dan u ah oo ah midnimada Soomaaliya ayaa noo dan ah. Soomaaliduna ay arimohaada iyagu ka arinsadaan."

Waxa Dr Ibrahim Cadow uu sheegey in ay muhiim tahey in shirkan si toos ah loogu falanqeeyo faragalinta ay Ethiopia ku heyso Soomaalia.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin