BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Mr Geeddi oo dowlad cusub soo dhisaya
 

 
 
Madexweyne Yusuf iyo Ra'iisalwasaare Geeddi
Waxa madaxda sare sheegeen in la dhisi doono dowlad kooban
Waxa Ra'iisalwasaare Cali Maxamed Geeddi loo qabtey in muddo todobo maalmood gudahooda uu ku soo dhiso dowlad cusub oo ka kooban 31 wasaaradood. Waxana xukuumadda lagu saleyn doonaa nidaamka 4.5 oo ah kan beelaha Soomaalidu ay wax ku qeybsadeen.

Guddoomiyaha Baaralamanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aden oo furey kulankii Baarlamanka ee Isniintii ayaa hadalkiisii koobaad ku sheegey in dhinac la iska dhigey khilaafaadkii madaxada sare iyo Golayaasha dowladda. Sharif Xasn waxa uu shegey in isku aragti laga noqdey arimihii la isku heystey, haddamna la soo dhisayo xukuumad kooban.

Waxa uu Guddoomiyuhu codsadey in xukuumadda cusub lagu soo biiriyo xubno cusub oo aan xildhibaanno aheyn, aannan u noqon buu yiri "dad wax kasta iyagu isku soo koobey"

Ra'iisalwasaare Cali Maxamed Geeddi oo halkaas ka jeediyey hadal kooban ayaa sheegey in la isku afgartey xaaldda la dejiyo. Waxana Mr Geeddi mudanayaasha ka codsadey in ay la qaataan waxyaabihii la isku afgartey.

Madexweyne Cabdullahi Yusuf

Madexweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf Axmed oo kulankaas ka hadley ayaa sheegey in xukuumaddu aysan wax qaban mudadii ay jirtey.

Madexweyne Cabdullahi Yusuf oo madashaas ka hadley ayaa yiri "xukuumaddii tiro badan aheyd ee gaareysey boqolka iyo dheeraadka in la yareeyo oo laga soo reebo gole wasaaradeed oo wasiiradu aysan ka badneyn 31 xubnood ayaa la isla gartey. Laba baarlamaan oo is-leeg haddaad aheydeen, haatan waxa la isla gartey in aad noqotaan xukuumad kooban iyo Baarlamaankii oo badan."

Xukuumadda Ra'iisalwasaare Cali Maxamed Geeddii oo markii hore ka badbaadey codkii kalsoonida ee dhawaan loo qaadey, ayaa Isniintii (7Agust 06) la kala direy, ka dib markii la iskaga daba yimid guushii ay ka gaartey codkii kalsoonida looqaaadey ee dhawaan ay heyshey.

Ra'iisalwsaare Geeddi ayaa haatan looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumad kooban oon ka badneyn 31 wasaaradood.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin