BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
06 Agoosto, 2006, 18:36 GMT; 21:36 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Edna ayaa ka mid ah wasiirada shaqada laga fariisiyay
 
Edna Aden
Wasiirada uu Madexweyne Rayaale eryey waxa ka mid ah, Wasiirkii Arimaha Dibadda, Edna Aden Ismaaciil
Waxa wararku sheegayaan in isbedelkani uu yahey kii ugu weynaa ee Madexweyne Rayaale ku sameeyo dowladdiisa, tan iyo markii uu xilka Madexweynaha qabtey muddo iminka afar sano laga joogo.

Waxa uu Mr Rayaale shaqada ka fariisiyay Wasiiro, Wasiiru dowlayaal iyo Wasiiro ku-xigeenno iyo Agaasimayaal Guud, waxana uu magacaabey wasiiro cusub isagoo wasiirada qaarkoodna u kala badeley Wasaaradihii horey ay u hayeen.

Wasiirada uu Madexweyne Daahir Rayaale Kaahin isku-shaandheyntan xilka uga qaadey waxa ay kala yihiin, wasiirkii Arimaha Dibadda - Edna Adan Ismaaciil iyo Wasiirkii Madextooyada - Nuux Axmed Cusmaan oo uu isaga ka dhigey la taliyaha Madexweynaha ee Arimaha Bulshada.

Waxa kale oo ka mid ah wasiirada xilka laga qaadey, Wasiirkii Gaashaandhigga - Jaamac Gaas Mucaawiye oo isagana uu Madexweynuhu ka dhigey la taliyaha Madexweynaha ee arimaha nabad galyada.

Sidoo kale masuuulintii xilka laga qaadey waxa ka mid ah Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta Xasan Cabdi Kheyre.

Wasiirka Arimaha Dibadda

Wasaaradda Arimaha Dibadda, waxa madexweynuhu u magacaabey Cabdullahi Maxamed Ducaale oo horey u ahaa Wasiirka Warfaafinta. Wasaaradda Gaashaandhigga waxaa uu u magacaabey Aden Mire Waqaf oo horey u ahaa Wasiiru-dowlaha Arimaha Gudaha.

Wasraaradda Boosha iyo Isgaarsiintana waxa uu u magacaabey Liibaan Ducaale Casir oo ah Wasiir cusub.

Wasaaradda Madaxtooyadana waxa loo magacaabey Nuur Amiin Ismaaciil oo horey u ahaa Wasiirka Duulista hawada.

Wasiirka Cusub ee Arimaha Guduhu waa Cabdillahi Ismaaciil Cirro oo ahaa Guddoomiuha gobolka Hargeysa.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha waxa loo kala qeybiyey laba wasaaradood oo laga kala dhigey Wasaaradad Ganacsiga oo loo magacaabey Cismaan Qaasim Qodax oo horey u ahaa Wasiirka Caafimaadka iyadoo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warshaduhuna uu yahey Maxamed Soleyman Maxamuud.

Wasiir Cusub

Wasaaradda Qorsheynta waxa loo magacaabey Wasiir cusub oo ah Cali Ibrahim Maxamed oo horey muddo dheer khabiir uga ahaa oo ka soo shaqeenayey hey'adda shaqada adduunka ee (ILO).

Wasiirkii hore e Wasaaradda Qorsheyntana waxa laga dhigey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka Wasaardda Caafimaadka waxa laga dhigey Cabdullahi Xuseen Imaan oo horey u ahaa Wasiirka Dib-u-dejinta, iyadoo Wasiirka cusub ee Dib-u-dejintana loo magacaabey Abshir Axmed Xasan oo horey u ahaa Maareeyaha Guud ee Shirkadda Madaxa-bannaan ee Isgaarsiinta Telecom.

Cali Maxamed Waran-Cadde waxaa loo magacaabey haatan Wasiirka cusub ee Duulista Gaadiidka Cirka.

Masuuliinta kale ee xilka laga qaadey

Madexweyne Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu xilkii ka qaadey shan Wasiir ku-xigeen laba Wasiiru-dowlo iyo shan Agaasime Guud, isagoo jagooyinkii ay banneeyeen Agaasimayaasha Guud u magacaabey qaar kale; isla-marhaantiina isku-badelay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha qaarkood.

Madexweynuhu waxa kale uu u magacaabey Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Dr Maxamed Xirsi Ismaaciil, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska - Somaliland waxa uu u magacaabey Korneel Maxamed S. Dubad Gudddoomiyaha Gobolka Hargeysana waxa loo magacaabey Cali Asad.

Wakaaladda Biyaha Hargeysa

Iyadoo Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyadana u magacaabey Axmed Xaashi Cabdi oo horey u ahaa Agaasimaha siyaasadda ee xisbiga talada haya ee UDUB.

Isku shaandheynta cusub iyo magacaabidan uu Madexweyne Daahir Rayaale Kaahin ku smaeeyey Golihiisa Wasiirada, ayaa aheyd mid dadweynuhu muddo dheerba ka sugayeen xaggiisa.

Afhayeenka Madextooyada Cabdi Idiris Ducaale ayaa BBC-da u sheegey in isku shaandheyntani ku fadhido "dar-dar galinta hawlaha qaranka ee marxaladda cusub, daboolidda dhaliilaha jira iyo buuxinta jagooyinkii Wasiiradii hore ee bannaanaa".

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin