http://www.bbcsomali.com

Wasiirro Soomaaliyeed oo is casilay

Wasiiro iyo Wasiir ku-xigeenno ka tirsan dowladda Soomaalida ee fadhigeedu Baydhaba yahay ayaa maanta is casilay. Waxay Wasiiradaas dhaliilo kala duwan u soo jeediyeen raiisal wasaare, Cali Maxamed Geeddi.

Qaarkood waxay ku eedeeyeen in uu diiday in Maxkamadaha lala yeesho wadahadal; iyada oo qaar kalena ay ku eedeeyeen in uu ku xad-gudbay Axdiga Qaranka.

Wasiirka Hawlaha Guud ee dowladda KMG ah Cusman Xasan Cali (Cusman Caato) ayaa sheegey inuu ka soo laabtey booqasho uu ku tagey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo uu Midowga Maxaakiinta kula soo heshiiyey in wadahadallo cusub ay la galaan dowladda KMG ah, laakiin buu yiri Ra'iisalwasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa diidey inuu hadalkiisa dhageysto.

Waxa uu Cusman Caato mowqifka Cali Maxamed Geeddi ku sharxey inuu yahey kan carqaladda ku ah horumarkii laga sameyn lahaa wadaxaajoodka.

Waxa kale uu BBC-du ogaatey inuu jiro qorshe ay qaar ka mid ah xubnaha baarlamanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya ku abaabulayaan in codka kalsoonida loo qaado dowladda Ra'iisalwasaare Cali Maxamed Geeddi.

Madaxda is-casishey

Waraaqdda is casilaadda ee madaxdaasi ku dalbanayaan iney ka tagaan jagooyinkii ay dowladda KMG ah u magacwdey oo loo gudbiyey Ra'iisalwasaare Geeddi, ayaa waxaa ku saxiixan magacyo aan qaarkood xilka ay iska casileen aanuu ku caddeyn waraaqda:

Xuseen Maxamuud Shiikh
Wasiirka Tacliinta Sare

Maxamed Maxamuud guuleed
Wasiirka Horuymarinta Reer Miyiga

Cabdi maxamed Tarrax
Wasiirka Warshadaha

Cusmaan Caato
Wasiirka Hawlaha Guud

Maxamed Cabdullaahi Kaamil -
Wasiirka Iskaashatooyinka

Cabdikarim Axmed Cali
Wasiirka Lacagta

Fowzia Maxamed Sh Xasan
Wasiirka Haweenka

Cabdiraxmaan Xaaji Adan Ibbi
Wasiiru dowladda xiriirka baarlamaanka iyo xukuumadda

Maxamed Cali Bilaal
Wasiir ku xigeenka Beeraha

Mukhtaar Maxamed Yusuf
Wasiir ku xigeenka Waxbarashada

Farxaan Cali
Wasiiru Dowlaha Qorsheynta

Cabdulqaadir Shiikh Maxamed Nuur
Wasiir ku Xigeenka Iskaashatooyinka

Ibraahim Xuseen Cali
Wasiir ku xigeenka Batroolka

Ibraahim Maxamed Deeq
Wasiiru Dowlaha Warfaafinta

Maxamed Jaamac Furux
Wasiiru Dowlaha Dekedaha

Cali Shiikh Maxamed

Xuseen cusmaan Xuseen

Axmed cabdiraxmaan Maxamed