|
Wasiirro Soomaaliyeed oo is casilay | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Wasiiro iyo Wasiir ku-xigeenno ka tirsan dowladda Soomaalida ee fadhigeedu Baydhaba yahay ayaa maanta is casilay. Waxay Wasiiradaas dhaliilo kala duwan u soo jeediyeen raiisal wasaare, Cali Maxamed Geeddi. Qaarkood waxay ku eedeeyeen in uu diiday in Maxkamadaha lala yeesho wadahadal; iyada oo qaar kalena ay ku eedeeyeen in uu ku xad-gudbay Axdiga Qaranka. Wasiirka Hawlaha Guud ee dowladda KMG ah Cusman Xasan Cali (Cusman Caato) ayaa sheegey inuu ka soo laabtey booqasho uu ku tagey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo uu Midowga Maxaakiinta kula soo heshiiyey in wadahadallo cusub ay la galaan dowladda KMG ah, laakiin buu yiri Ra'iisalwasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa diidey inuu hadalkiisa dhageysto. Waxa uu Cusman Caato mowqifka Cali Maxamed Geeddi ku sharxey inuu yahey kan carqaladda ku ah horumarkii laga sameyn lahaa wadaxaajoodka. Waxa kale uu BBC-du ogaatey inuu jiro qorshe ay qaar ka mid ah xubnaha baarlamanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya ku abaabulayaan in codka kalsoonida loo qaado dowladda Ra'iisalwasaare Cali Maxamed Geeddi. Madaxda is-casishey Waraaqdda is casilaadda ee madaxdaasi ku dalbanayaan iney ka tagaan jagooyinkii ay dowladda KMG ah u magacwdey oo loo gudbiyey Ra'iisalwasaare Geeddi, ayaa waxaa ku saxiixan magacyo aan qaarkood xilka ay iska casileen aanuu ku caddeyn waraaqda: Xuseen Maxamuud Shiikh Maxamed Maxamuud guuleed Cabdi maxamed Tarrax Cusmaan Caato Maxamed Cabdullaahi Kaamil - Cabdikarim Axmed Cali Fowzia Maxamed Sh Xasan Cabdiraxmaan Xaaji Adan Ibbi Maxamed Cali Bilaal Mukhtaar Maxamed Yusuf Farxaan Cali Cabdulqaadir Shiikh Maxamed Nuur Ibraahim Xuseen Cali Ibraahim Maxamed Deeq Maxamed Jaamac Furux Cali Shiikh Maxamed Xuseen cusmaan Xuseen Axmed cabdiraxmaan Maxamed | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||