BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Dagaalkii Muqdisho oo mar kale qarxay
 
Aroornimadii Arbacada ayaa mar kale dagaal ka bilowdey Muqdisho, markan waxa la isku haleeley dhulka ku dhow agagaarka suuqa xoolaha. Maleeshiyada Maxkamadaha ayaa aag cusub qabsatey.

Waxa waraku sheegayaan in dagaaladii Arabacdii ay ku dhinteen lix qof; islamarkaana dad badan ay ku dhaawacmeen. Waxa wararku intaas ku dareen in dad horey u xasiloonaa ay iminka bilaabeen iney ka qaxaan guryahoodii.

Sidoo kale waxa warar kale sheegayaan in maleeshiyooyinka taabicsan Maxakamaduhu ay gacanta ku dhigeen fadhiisimo ay la hayeen maleeshiyooyinka Wasiirka Dhaqan Celinta ee dowlada Federaalka, Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ah wasiirada Gadoodey oo iminka la safan Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada.

Waxa kale oo wararku sheegayaan in maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga raacsan ay sidoo kale qabsadeen laba fariisimo oo midi Garaash ahaa.

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka suuqa xoolaha ayaa BBC-da u sheegey in dagaalku ahaa mid culus oo wakhti yar socdey.

Waxa wararku sheegayaan in duulaanka dagaalkan ay qaadeen Maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga.

Dadkii ku dhaawacmey dagaalka Arabacadii ayaa qaarkood la geeyey Isbitaalka Madiina oo iminka halkaas lagu daweenayaa.

Dagaaldan Muqdisho ee kala go'i weysana yaan bilowdey bishii Fabruary ee sanadkan, ka dib markii lagu dhawaaqey ururka cusub ee la baxey La dagaalanka Aragagixisada iyo nabad soo celinta.

Guddoomiyaha Baarlamanka

Guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Federaalka ee KMG ah, Shariif Xasan Sh. Aden ayaa labada dhinac ee Muqdisho ku dagaalamaya ugu baaqey iney dagaalka joojiyaan.

Shariif Xasan waxa uu baaqiisa ku yiri "qof maanta dagaal ciil u qaba anigu rintii ma aqaan...ninkastaa oo dagaalka wada waxa aan leenahey dagaalka jooji walaalow."

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin