|
Dagaalka Muqdisho oo Carwada iyo Taleex ka bilowdey | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Dagaalkan ayaa subaxnimadii Khamiistii ku fidey xaafado ay ka mid yihiin Carwada agagaarka Taleex, Nambar Afar iyo Nambar shan, Xeradii ciidamada 77 iyo meelo ka baxsan oo ku beegan duleedka degmada Kaaraan. Dagaalka waxa ugu kululaa kii ka bilowdey Carwada ee ku baahey Nambar Afar iyo Nambar Shan. Hoteelka Saxafi, oo uu leeyahey Cabdirashiid Ilqeyte oo ka tirsan Isbaheysiga ayaa gacanta u galey maleeshiyada u dirireysa Midowga Maxakamadaha. Dgaaladan oo u dhaxeeya Midowga Maxakmadaha iyo Isbaheysiga la baxey la dagaalanka argagixisada ayaa waxa uu saameeyey in badan oo ka mid ah nolo maalmeedka magaalada; iyadoo ay labad dhinac isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Maleeshiyooyinka labada dhan ayaa waxa ay isticmaalayaan hub aad u culus oo guuxiisu gilgiley dhamaan qeybaha magaalada. Waxana uu dagaalku geystey qasaare naf iyo maalba leh oo ku yimid kooxaha dagaalamaya iyo dad reyd ah oo xabada habow ah ay guryahoodii ku haleeleen. Dagaalkan ayaa waxa lagu tilmaamey inuu yahey kii ugu cuslaa ee ugu ba'naa ee magaalada Muqdisho ka dhaca sanadihii ugu dambeeyey oo dhan. Dhib gaarey Isbitaalda Isbitaalada magaalada ayaa lagu soo waramayaa iney qaarkood ay rasaaso culus ku dhaceen iyagoo markii horaba la ciir-ciirayey dhaawacii uu sababey dagaalku.
Dadkii deganaa deegaanadii ay dagaalku ku fideen ayaa ka barakacey guryahoodii. Dagaaladani soo kululaade ee u dhaxeeya maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga iyo kooxda la baxdey la dagaalanka argagixisada ayaa bilowdey bishii February ee sanadkan. | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||