BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Dagaalka Muqdisho oo sii xumaadey
 

 
 
Ilmo dhaawac ah
Hub culus oo habow ah oon loo meel-dayin ayaa shicibkii reydka dilaya
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay in kabadan 33, kalana way ku dhaawacmeen dagaalka Muqdisho oo galey maalintii afraad ee isku xigta oo la qaboojin kari waayey.

Masuuliinta goobaha caafimaadku waxa ay sheegayaan in markii la isku geeyo dadka ku dhintey dagaalada Muqdisho afartii maalmood ee uu socdey ay haatan gaareen 75 qof, halka dhaawaca yaal labada isbitaaladu uu kor u dhaafey 150 qof.

Dagaalkan ooy ku dagaalamayaan Maxkamadaha Islaamiga iyo kooxda la baxdey Nabadeynta iyo La dagaalanka argagixisada ayaa in muddo ahba la saadinayey, ka dib markii labada kooxood ay horey iskugu dhaceen oo dad badani ay rumeysan yihiin in intii ay kala maqnaayeen ay isku soo hub urursanayeen.

Khasaaraha uu dagaalkan geystey ayaa intiisa badan ku foorata dad reyd ah oo xabado iyo madaafiic habow ah ay guryahoodii ku dishey.
Haween iyo caruur qaxey
Tiro ma laha haweenka iyo caruurta Muqdisho ka qaxdey

Dadkii Arabacadii uu diley dagaalkan waxa ka mid ah haweeney xaamilo aheyd iyo wiil yar ooy dhashey oo la joogey oo madfac habow ah uu gurigoodii oo ku yaal agagaarka degmada Yaaqshiid ugu galey.

Hub culus oo shicibkii reydka dilaya

Waxa la xaqiijiyey in Arbacadii oo kaliya ilaa afar hub culus oo iskugu jirey hoobiye iyo madaafiic ay haleeleen agagaarka Yaaqshiid.

Dadaaladii ay wadeen duqowda iyo kooxda Dhaqaaqa bulshada reydka oo ay iskugu dayayeen iney xabad joojin ku abuuraan ayaa weli socota.

Waxa wararku sheegayaan in inkastoo aysan jirin xabad joojin rasmi ah oo lagu heshiiyey, haddana magaalada Muqdisho ay fiidnimadii Arabacadii xasilooneyd.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin