BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Lacag cusub oo ka soo degtey Bosaso
 
Kharidadda Soomaaliya
Masuuliinta dowladda Federaalku weli kama aysan hadlin lacagta Bosaso la geeyey
Lacag cusub oo tira badan ayaa dayuurado maanta geeyeen garoonka dayuuradaha ee Bosaso, waxana ay lacagtaasi u socotaa dowladda Federaalka ee KMG ah.

Warar laga heley ilo xog ogaal ah ayaa BBC-da u xaqiijiyay in laba dayuuradood oo wada shixnado lacag Shilin Soomali ah ay maanta ka degeen garoonka dayuuradaha ee magaalada Bosaso, lacagtan oo lagu sheegay inay gaarayso 30 bilyan oo shilinka Soomaaliga ah, waxa lagu xareeyay bangiga dhexe ee magaalada Bosaso.

Sida ay sheegeen dad xogogaal ah lacagtan waxaa iska leh dawladda Federalka Soomaaliya waxana la hadal hayaa in dhowaan loo gudbin doono magaalada Baydhabo oo ay haatan ku sugan yihiin xubanaha labada gole ee dawlada federalka.

Lacagtan oo sida muuqata lagu soo farsameeyay dibadda dalka ayaa waxaa iska kashaday dawladda Federalka iyo ganacsato Soomaali ah.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin