BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
26 Februweri, 2006, 13:30 GMT; 16:30 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Bay: Shirka Barlamaanka Soomaalida
 

 
 
Qariidadda Soomaaliya
Qariidadda Soomaaliya
Gudddommiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa furey kal fadhiga, iyadoo amaankana ay si adag u sugayeen maleeshiyo daacad u ah jabhadda RRAda

Madaxweynahe Cabdullaahi Yusuf iyo Raiisul wasaare Cali Maxamed geedi ayaa ah labada keliya ee loo oggolaadey in ay la yimaadaan kal fadhiga ciidam gaar ah oo iyaga ilaaliya.

Dhamaan xubnaha kale ka qeybgalaya shirka oo ay ku jiraan hogaamiye kooxedyada yar yar ma jirin wax ilaalo gaar ah oo la socdey.

Hogaamiye kooxeedyada awoodda leh ee Muqdisho oo iyagu horkacayey mucaaradadii looga soo horjeedy dowladda, iyo gaar ahaan tii looga soo horjeestey madaxweynaha iyo raiisul wasaaraha ayaa ka maqnaa kulanka baarlamanka ee maanta.

Hogaamiye kooxeedyada ay ka midka yihiin wasiirka amniga Maxamed Qanyare Afrax iyo wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow ayaa mar walba ku adkeysanayey in baarlamanku uu ku kulmo caasimadda, Muqdisho.

Laakiin waqtigan la joogo waxay haystaan sabab kale oo uga baaqsadeen aadista magaalada Baydhabo.

Waxayna ku mashquulsna yihiin dagaal u gaar ah oo ka socda caasimadda.

Waxay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan aha kooxaha islaamiga ee xagjira , waxayna dagaal hubeysan la galeen maxkamadaha Islaamiga ee ka furan Muqdisho.

Xiisad aad u sareysa ayaa ka jirta magaalada Mogadisho, waxaana xeel dheereyaashu ay saadaalinayaan dagaalo hor leh oo dhex mara labada dhinac kuwaas oo jawaab u noqon kara amaba qeexi kara sababta dhabta ah ee ay hogaamiye kooxeedyada Muqdisho oo uu ku jiro wasiirka arimaha gudaha Xuseen Caydiid aysan uga soo xaadirin kulankan barlamaanka ee Baydhabo.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha , guddoomiyaha baarlamanka, raiisul wasaaraha iyo saddex meelood laba meelood xubnaha baarlamanka , oo dhamaantood ka soo wada xaadirey kulnaka ayaa u muuqata talaabo horey loo qaadey.

Talaabooyinkooda waxaa si dhow ula socda guud ahaan Soomaalida iyo weliba beesha caalamka oo ay maanta wakiil uga ahaayeen kulanka koox dibloomaasiyiin ah , oo uu ku jiro ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin