BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
20 Februweri, 2006, 19:30 GMT; 22:30 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Maxamed-Dheere oo ku biiraya dagaalka
 
Qanyare
Qanyare
Maxamed Cumar Xabeeb ayaa sheegay in uu dagaalka Muqdisho ku biiri doono, oo uu gacan siin doono Hoggaamiyayaasha kooxaha ee la diririaya Maxkamadaha Islaamiga.

Arrintaas waxaa uu sabab uga dhigay in ay Maxkamaduhu dalka soo geliyeen dad ajnebi ah.

Maxamed-Dheere oo marka hadalkan uu jeedinyay ay magaaladiisa marti ugu ahaayeen xubno wafdi Ethiopian ah, haddii uu hadalkiisa ka dhabeeyo, dagaalka Muqdisho waxaa uu noqon doonaa mid qaata dardar hor leh.

Dagaalka oo markiiisii horeba ku billwoday weji cusub oo ah in kooxaha diinta iyo kooxaha hubeysan loo diriro, waxaa uu ilaa iyo hadda ku guuleystay oo keliya in uu xirmo garoonka dayuuradaha ee Dayniile, oo uu Maxamed Qanyare iskiis u lahaa.

Isbahaysi aan la garan karin

Isbahaysiga ka soo horjeeda Maxkmadaha waxaa ku jira dad aan ilaa iyo hadda siyaasadda isku waafaqsanayn, welibana qaarkood uu dagaal ka dhexeeyay.

Qanyare hadda ka hor ayuu Maxamed-Dheere ugu hanjabay in aan dowladdu degi karin magaalada Jowhar.

Muuse Suudi oo siyaasadda markii hore ku soo galay in uu Maxkamad Islaami ah ka sameeyo xaafadda Madiina ayaa isagana waxaa hadda ka hor uu dagaal dhex maray Bashiir Raage.

Waxaa isaguna isbahaysiga ku jira Cabdirashiid Ilqeyte oo isagu wixii hadda horreeyay ganacsi uun lagu yaqaannay.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay hoggaamiyayashan kooxuhu ay ka dhabeeyaan in ay wadajir ula dagaalaan wadaaddada, waxaa aad u adkaaneysa in ay wadaaddadu guul iska daaye ay u suurta gasho in ay is daafacaan.

Shirka baarlamaanka ee Baydhaba

Inta isu bahaystay dagaalkan, waxaa keliya oo ay ka siman yihiin in aanuu ku jirin nin taageersan shirka Baydhaba.

Waxayna u muuqataa in ay hadda qiil u noqon doonto ay ku codsadaan in shirka dib loo dhigo, iyaga oo haddii kalena kaba maqnaan doona.

Baarlamaanku uma eka in uu u xayirnaan doono, hase yeeshee, mar haddii ay ka maqan yihiin nimanka hubeysan ee Muqdisho ee awalba aan Madaxweynaha iyo ra'iisal Wasaaraha ku mawqif ahayn, waxay noqon doontaa caqabad hor leh.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin