|
Xaaladda siyaasadeed ee Ethiopia | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Wasiirka Britain ee Arrimaha Afrika, David Triesman ayaa welwel weyn ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka Ethiopia. Wasiirka Britain ee arrimaha Afrika ayaa hadda ku jira booqasho howleed oo uu ku joogo caasumada Ethiopia ee Addis Ababa. Wasiirku waxaa uu kulan la yeeshay Ra'iisal Wasaaraha dalka Ethiopia, Meles Zenawi iyo xubnaha ka tirsan mucaaradka iyo qosaskooda, maalin ka dib markii ay dowladda Makamad hor keentay boqol iyo soddon qof oo ay ku jiraan hogaayeyaasha xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CUD, kuna soo oogtay danbiyo ay ku jiraan khiyaamo qaran. Lord Triesman ayaa ku baaqay in la qabto nidaam cadaaladeed oo furan oo cadaalad ah, waxuuna ka dalbay dhinacayada siyaasada ee Ethiopia in ay dib u bilaabaan wadahadalada. Tobonaan kun oo Ethiopian ah ayaa la xirxiray ka dib markii sameeyeen rabshada ka dhan ah natiijadii doorashooyinka guud ee la qabtay bishii May ee sanadkan. Wasiirku waxaa kale oo uu ka hadlay arrinta xasaasiga ah ee xuduudka ee labada dal Ethiopia iyo Eritrea, ee ku muransan xuduudka ay dagaalameen muddo hadda laga joogo shan sanadood. Waxuuna sheegay in ay lagama maarmaan tahay in loo hogaasando qaraarka Qaramada Midowbay. | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||