http://www.bbcsomali.com

26 Agoosto, 2005, 11:35 GMT; 14:35 SGA

al Qaacida ma u guuri doontaa geeska Afrika?

Martin Plaut - London
Sarreeye Gaas Douglas Lute wuxuu shegay in marka la fiiriyo sida cadaadisku ugu sii badanayo alqacida, uu filayo in alqaacida hawlgaladeeda ay geyn doonto wax uu ugu yeeray dhul baaxad weyn leh oo ka mid ah geeska Africa oo aan cidina maamulin.

Wuxuu saadaaliyay in dalalka Somalia, Ethiopia iyo Sudan ay noqon doonaan bartilmaameedyada dambe ee al qaacida ay tiigsan doonto, mar haddii ay ku adkaadeen hawlihii ay ka wadday dalalka Iraq iyo Afghanistan.

Sarkaalkan Mareykanka ahi waxaa kale oo uu ka digayey dhibaatada ay keeni karto Africa oo u noqota al qaacida meel ay ku tanaaddo.

Dalka Djibouti waxaa jooga 900 oo askari oo Mareykan ah oo loogu tala galay in ay ka hortagaan al qaacida in aysan galin badda cas.

Ciidamada Mareykanku waxay tababaraan askarta Ethiopia iyo Eritrea, hase ahaatee shaqadii ciidamadaas Mareykanku ka qaban lahaayeen Somalia oo mintidiinta islaamigu ay xoog ku yeesheen,waxaa ka hor jooga dalka Somalia oo aysan ka jirin dawlad dalka wada xukunta.

Xagga iyo galbeedka, Mareykanku wuxuu taababarro siiyaa Mauritania ilaa Chad inta u dhexeysa si loo xoojiyo awoodda ciidamada dalalkaasi ay isaga caabbin lahaayeen al qaacida.

Ciidanka badda ee Mareykanka iyo askarta Afrikanku waxay wadajir u ilaaliyaan goobaha saliidda ee xeebaha galbeedka Africa.