BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
24 Agoosto, 2005, 17:41 GMT; 20:41 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Wareysi BBC-du la yeelatay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf
 
Cabdullaahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha Soomaaliya
Cabdullaahi Yuusuf wuxuu sheegay in uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayo dib u heshiisiinta Soomaalida
Madaxwaynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa hadda ku sugan magaalada Jeddah ee waddanka Boqortooyada Sacuudiga.

Madaxwaynaha iyo waftigiisu waxaa ay shalay kulan la yeesheen Boqor Cabdalla Ibnu Cabdulcasiis. Madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf oo aanu waraysi la yeelanay ayaa waxaa uu sheeggay in booqashadiisu ay ku saabsanayd inuu hoggaamiyayasha Sacuudiga uga soo xog warramo xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya isla markaasna uu waydiisto in ay gacan ka gaystaan hawlaha ay waddo dawladda Soomaaliya, wareysigiina wuxuu u dhacay sidan:

BBC: Madaxwayne, dowladda Sacuudiga ma waxaad weydiisateen kaalmo dhaqaale?

Cabdullaahi Yuusuf: Dabcan waxa loo yaqaanno kaalmo deg-deg ah ayaa weydiisannay, waayo annagu hadda ma weydiisan karno kaalmo dib u dhis, waayo dib u dhisku wuxuu u baahan yahay qorshe dheer oo ballaaran, oo waa in aannaga qorshe la tagnaa, waa in shirar caalami ah la qabtaa oo mid carbeed la qabto oo Soomaaliya dib u dhiskeeda laga hadlo. Laakin, wixii lagu qaban lahaa ama dib u heshiisiin ama lagu qaban lahaa hawlaha xareynta meleeshiyooyinka, iyo hub ka dhigis iyo dhaqan celin, iyo wixii maamulka lagu socodsiin lahaa iyo wixii amniga lagaga shaqeyn lahaa, waxyaabahaas ayaan kala hadalnay dowladda Sacuudiga.

BBC: Maxay idinka yiraahdeen markaas arrimahaasi?

Cabdullaahi Yuusuf: Wallaahi, waa idin taageeraynaa, goor aan fogeynna waxay yiraahdeen war baad naga helaysaan, waana ka xanuunsanayaan dhibaatada dalka Soomaaliya haysata. Waxaanna aaminsanahay in ay ka dhab tahay sida ay noola hadleen, waayo dareenkii markaas wejigooda iyo qalbigooda ka muuqday haddaannu daalacanayno waxay nala tahay in ay ka dhab tahay, dowladdeenna ayaana laga rabaa in ay mid noqoto oo shaqeyso oo gudaha ka shaqeyso oo ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda ka shaqeyso oo dowladdu haddii aanay iyadu wax qabanaynin cidi wax tari meyso, annagaa nalaka rabaa in aan muujinno in aan nahay dad ay ka dhab tahay in nabaddii dalka lagu soo celiyo oo hubka laga dhigo oo la heshiisiiyo oo qarannimadii iyo karaamadii luntay la soo celiyo, marka aan intaas muujinana waan ku kalsoonahay in dowladda Sacuudiga iyo dowladaha kalee carbeed iyo adduunkuba na taageerayo.

BBC: Madaxweyne waxaa jiray warar la isla dhex qaadayo oo aad loo xoojinayo oo sheegayey in Sacuudigu markii hore ay marti qaadeen adiga iyo guddoomiyaha baarlamaanku oo la doonayo in halkaas la idinku wada hadashiiyo, arrintaas maxaa ka jiray?

Sharif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyaha baarlamaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya
Farqiga dowladda ku kala dhex jira weli xal rasmi ah looma hadlin

Cabdullaahi Yuusuf: Wallaahi, aniga iima ay sheegin, rasmi ahaanna ulama socdo. Haddii ay ii sheegi lahaayeen, hadde si bey ahaan lahayd, laakin aniga haddana igala ma ay hadlin, awalna ima ay soo ogeysiin. Ra'iisul baarlamaankana, hadda ka hor ayaa madaxweynaha dalka Yeman isugu kaaya keenaya magaalada Sanca ee caasimadda Yeman, toddoba beri ayaana halkaa lagu wada hadlayey, wax Allaale iyo wixii lagu wada hadlay oo la soo jeediyey oo maslaxo ahaa oo dowladda Yeman ay noo soo wada jeedisay wada jir ahanna, dee isaga ayaa diiday, anna waan aqbalay. Anigu haddii aanan been sheegayninna haddeer waxa uu doodanayaa waxa ay yihiin anigu kuuma sheegi karo. Dib u heshiisiin dowlado na dhexdhexaadinayaan hadde meesha soomaba geli karto, waa haddii hay'adaha dowladda ee dhisan haddii dhexdooda uu khilaaf jiro, annagaa la rabaa in aan dhexdeenna intaanni ka wada hadalno oo ka garranno oo aan ka heshiinno annagaa nalaka rabaa, laakin annagu haddeer dowladow kaalaya oo dowladdii Soomaaliyeed dhexdeeda, ra'iisal wasaarihii, ra'iisal baarlamaankii iyo golihii wasiirrada dhexdhexaadiya afkeennaba ma ahan.

BBC: Laakin, madaxweyne, marka sida muuqata aanay sidaasi sinnaba suurtogal u ahayn, oo maanta la ogyahay halka aad kala joogtaan, sow suurtogal ma ahan in cid kale ay idin dhex gasho?

Cabdullaahi Yuusuf: Nin raba in ay Soomaaliya sida ay hadda tahay sii ahaato iyo nin doonaya qarannimo in ay heshiin karaan ilama ahan.

BBC: Waxaan u malaynayaa hadalkaagaas in aad ula jeeddo qolyahan hadda Xamar ku sugan ee wasiirrada ah iyo xubnaha baarlamaanka, een madaxweyne qoladiinna fadhida Jowhar waxay mar walba ku doodaan in aanay jirin wax kala qeybsanaan ah oo dowladdii u dhexeeya oo aanay jirin in dowladdii ay labo garab noqotay. Marka aad kala joogtaan labo magaalo oo 90Km isu jira oo Xamar ay joogaan xubno boqol gaaraya oo wasiirro iyo mudaneyaal baarlamaan isugu jira, magaca aad u bixin lahayd muxuu yahay haddii aanay ahayn kala qeybsanaan dowladdii u dhaxaysa?

Cabdullaahi Yuusuf: Si fiican ii dhagayso. Anigu ka hadli maayo inta Xamar joogta oo dhan, inta Xamar joogto oo dhanna qarannimo ma diiddana, nabadna ma diiddana. Waxaan ka hadlayo waa koox yar oo aan nabadna rabin, qarannimana rabin, ummadda Soomaaliyeed in ay afduub ku haystaan raba weeye waxa aan horta ka hadlayaa. Boqolkaa nin ee aad sheegaysaa intooda badani runtii waxa la isku diiddan yahay waa wax is-maandhaaf ah ee wax manco leh ma ahan, mana ahan wax aan ka hadlayo raggaas. Qolo aan mucaarad lahaynna adduunka ma jirto. Marka afar-shan nin iyo hay'adihii dowladda intoodii kale, waa labo kooxood ama waa labo garab in ay gar tahay annagu ma aaminsanin, adinkana wey idiin muuqataa in aanay gar ahayn, boqolka aad tirinaysana hadde meel ay jiraan ilaah baa garanaya oo fikraddooda meesha ay jirto ilaah baa yaqaan.

BBC: Madaxweyne, marka tooda la raaco, waxay ku doodayaan in waddamadaa kale ay kaaga dhowaadeen Muqdisho oo maalintii dhoweyd waxay kuugu eedeynayeen markii ay lahaayeen khiyaamo qaran ayaad gashay in aad tagtay Ethiopia, Godey, oo aad ciidamo Itoobiyaan ah aad kula shirtay, Mustaxiil in aad ciidamo ku ururinayso oo aad ku damacsan tahay in aad ku duusho sida ay hadalka u dhigayeen magaalooyin ay ka mid tahay Baydhabo, Kismaayo iyo marka dambe Xamar. Eedeymaha sidaas ah maxaad ka oran lahayd?

Cabdullaahi Yuusuf: Horta, ninka eraygaa yiri waa aqaan oo waa Cumar Xaashi weeye, khiyaamo qaran waxa uu u yaqaannona isaga ayeynu weydiin doonnaa. Een, nidaam baa jira oo dastuur baa jira oo wax baa jiroo, laakin madaxweynaa khiyaamo qaran galay isagoo aan gelin, iyada nafteeda ayaa dembi ah, Cumar Xaashina waxay ila tahay taas waa uu dareemi doonaa. Anigu khiyaamo qaran ma gelin, ciidanna duullaan uma soo wato. Laakin, nin madaxweyne ahi meel ma tegi karo, haddii ay khiyaamo qaran tahay iyo haddii kale adduunka ha la weydiiyo, adduunku garasho iyo aqoon buu leeyahaye. Cumar Xaashi waxa uu ka hadlayo, waxa aan meesha u tegay ma garan mana oga. Haddii uu ogaana isaga ayaa beddelay, laakin isagaa ka gar bixi doona in aan khiyaamo qaran galay iyo in kale.

BBC: Su'aashaas laftirkeeda markii aan weydiinnay wuxuu noogu jawaabay in labada waddan uu xiriir dhex mari karo, laakin ay ahayd in aad tagto magaalada Addis Ababa, ee aanay ahayd in aad Godey tagto, oo saraakiil ciidamo ah oo kula kulanto oo waxa aad is-tiraahdeen aan la ogayn, taasi sow maqcuul uma eka?

Cabdullaahi Yuusuf: Adeer uma eka, oo horta Cumar Xaashi Godey buu joogi jiray, ciidan buu ku tababaran jiray, een wixii dano uu ka leeyahay buu ka fushan jiray isagoo Hiiran mataleyey. Waagaas isagu ma khiyaamo qaran kuu jiray, muxuu isagu u tegi waayey Addis Ababa, bal isaga weydiiya su'aalahaas.

BBC: Madaxweyne, baarlamaankii hadda sannad baa u dhammaaday, dowladdiina hadda waxay maraysaa muddo ilaa siddeed bilood ah. Waa tan hadda la kala fadhiyo, wax hawl ah oo dhaqaaqayna ma jirto marka laga tago safarro aad adiga iyo ra'iisal wasaaraha aad dibadda ku tagteen. Maxaad filaysaa dowladdaadii la soo dhisay ee adduunyada iyo Soomaaliduba ay hawsha badan ka gashay, ma oran karnaa waa guul-darreysatay?

Cabdullaahi Yuusuf: Maya, ciddii sidaas jecel baa sidaas iska jecele, ma guul-darreysan dowladdu, hawlana waa socdaan, dowladdiina gudaha iyo dibaddaba waa ka shaqeynaysaa, hawlaha haddii ay wax dhiman yihiinna, waa la kala qeybsan yahay uma xayirna ee yaanan lagu khaldin. Raggaan Xamar ayey joogaan aad leedahay, Xamar awood kuma laha. Anigu waxaan ku leeyahay iyaga laftirkoodaan waxba garanine waa laga qabsan doonaa, qolaa joogta Xamar iyaga ka itaal roon oo ula bareeroo ku tiraahda hubka nagu soo wareejiya adinku waxba qaban weydeene ee annagaa wax qabanayna. Qoladaasna kuwa ay yihiin waa la yaqaan. Bal iyaga waxaad weydiisaan maxaad gacanta ku haysaan, qof waliba meel yar buu ku oodan yahaye, maxay ka hayaan Xamar horta. Annaga qaarkeen baa jooga Xamar, ra'iisal wasaare ku xigeenkii ahna wasiirka arrimaha gudaha ayaa madaxtooyadii jooga, wasiiro kale ayaa jooga, shacabkii baa Jowhar noogu yimaada. Nimankaas wax ay gacanta ku hayaan lama arko. Midna Dayniille ayuu ku oodan yahay, midna meel uu yiri xero uu maleeshiyo isugu geystay ayuu dhex seexdaa, Cismaan Caatona waxaan ku soo maray Nairobi iyo Sharifka labadaba.

BBC: Ma kulanteen Cismaan Caato markaas?

Cabdullaahi Yuusuf: Maya, anigu transit baan ahaayoo waan soo socday. Cismaan Caato haddii uu doonayo in aan wada hadalno anigu diidi maayo, waana loo baahan yahay in aan dhexdeenna ka wada hadalno.

BBC: Madaxweyne, sida uu hadalkaagu u dhacayo ma la oran karaa innaba haddii ay jirto rajo ah oo laga qabay in aad raggaas meel dhexe isugu timaadaan meesha wey ka baxday?

Cabdullaahi Yuusuf: Dhexdeenna in aan ka wada hadalno waa suurtogal, laakin in nala dhexdhexaadiyo socon meyso.

BBC: Madaxweyne, dad fara badan oo siyaasadahaada dhaliiliya waxay sheegeen in aad xoogga saartay in aad geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii aad mabaadii'da dowladda aad madaxda ka tahay aad xoog iyo ciidan ugu fulin lahayd oo marka aad hadashana aad xaajada sii durkiso oo aad meesha ka saarto wixii dib u heshiisiin ah, eedahaasi innaba wax ma ka jiraan?

Cabdullaahi Yuusuf: Anigu geed dheer iyo geed gaaban midna uma fuulin in aan Soomaali laayo, laakin geed dheer iyo geed gaaban waxaan u fuushanahay in aan Soomaali heshiisiiyo, dowladdana ciidan amni in aan u sameeyo, waayo dowlad aan ciidan amni lahayn iyada xitaa isma daafici karto. Difaac baan dowladda u samaynayaa macneheedu ma ahan dad baa lagu duulayaa ama dad baa la laynayaa midna. Ninkii dowladnimo iyo qarannimo garanayaana intaa waa ogyahay.

BBC: Laakin, madaxweyne dadka sidaas sheegayaa waxay ku doodayaan in tallaabadii ugu horreysay ciidanka halka aad ka billowday ay tahay Puntland oo ciidan aad ka qortay oo ciidankaasi ay Mustaxiil fadhiyaan oo cid kaloo Soomaali ah ciidan dowladda u qorani aanu jirin?

Cabdullaahi Yuusuf: Hadalka yaan la qalloocinin, aniga sidaas kulama qabo. Ciidan Puntland keliya lama diyaarinine ee gobol walba oo Soomaaliya ka mid ah ayaa ciidan laga diyaarinayaa marka Muqdisho laftirkeeda lagu daro.

BBC: Ugu dambayntii madaxweyne, haddii aan ku weydiiyo, sidoo kalena waan weydiinnay guddoomiyaha baarlamaanka, markii lagu caleemo-saarayey ee laguugu dhaarinayey magaalada Nairobi waxaad tiri haddii hawshaasi la ii idmay ay socon weydo waan is-casilayaa, ma kula tahay hadda in waqtigaasi la gaaray?

Cabdullaahi Yuusuf: Sida aad u hadlayso si qurux badan ma ahan adigoo raalli ahaanaya. Guddoomiyaha baarlamaanka waxa uu ka hadlayo ma yaqaanno. Guddoomiyaha baarlamaanka hawshiisu waxa weeye in uu baarlamaanka hoggaamiyo, baarlamaanka hawshiisuna waa sharci dejin. Maamulka dowladda iyo siyaasadda in uu farageliyo ma ahan, in uu ka hadlona ma ahan. Haddii uu ka hadloyana waa in uu baarlamaanka dhexdiisa isagoo fadhiya kaga hadlo weeye, laakin in uu war ku siiyo isaga dow uma laha.

BBC: Arrin kaloo ay dadku xiiseynayaan, maaddaama aad la kulantay Boqorkii Sacuudiga, ma la soo qaadday arrinkii xayiraadda xoolaha Soomaalida?

Cabdullaahi Yuusuf: Haa, waayo waa arrin muhiim ah oo Soomaaliya arrimaheeda dhaqaale wax ka qabanaysa. Boqorkuna wuxuu yiri xoolaha waxaan u qaadan weynay waxa weeye waxaa nalaku yiri xoolaha waa jirran yihiin, aniguna waxaan ku iri xoolaha ma jirrana ayaan aaminsanahay, haddiibase uu shaki idinku jiro dhakhaatiirtiinna xoolaha qaabilsan noo soo dira, isagu wuu aqbalay waa soo diraynaa buu yiri, haddii aysan xoolaha jirranaynna waan qaadanaynaa.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin