BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
15 Juun, 2005, 18:50 GMT; 21:50 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Britain oo deeq ka xannibtay Ethiopia
 
Dowladda Britain ayaa xannibtay $ 54 milyan oo ay ku kordhin lahayd deeqda ay siiso dalka Ethiopia.
Raiisal Wasaare Zenawi
Raiisal Wasaare Zenawi

Tallaabadan dowladda Britain ayaa jawaab u ah dilkii 36 ruux oo ka bannaan baxayay doorashadii baarlamaanka.

Warkan ayaa waxaa Addis Ababa uga dhawaaqay, Wasiirka horumarinta ee Britain, Hilary Benn, ka dib markii uu la kulmay Raiisal Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi.

Mr Benn waxaa uu weydiistay in Laanqerta Cas loo oggolaaado in ay booqato dadka lagu xiray xeryaha militeriga tan iyo toddobaadkii hore markii ay bannaanbaxyadu dheceen.

Waxaa kale oo uu weydiitsay in dadkaas dacwad lagu soo oogo haddii kale la sii daayo.

Raiisal Wasaaraha Britain, Tony Blair ayaa Axaddii telefoon kula hadlay, Raiisal Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi, si uu ugu sheego sida uu uga xun yahay dilka bannaanbaxayaasha.

Zenawi waxaa uu xubin ka yahay Guddiga Afrika ee Tony Blair, guddigaas oo u doodaya in la kordhiyo deeqda la siiyo Afrika.
Ethiopia
Ethiopia

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin