BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
08 Juun, 2005, 06:04 GMT; 09:04 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
US iyo Britain oo gargaaraya Afrika
 
Bush iyo Blair
Bush iyo Blair aya ka wada hadley armo badan oo adduunka saameeya
Madexweyne George W Bush iyo Ra'iisalwasaare Tony Blair ayaa sheegey iney qarka u saaranyihiin heshiis deynta ay qabaan looga dhimayo waddamada Afrika ugu saboolsan.

Waxa Bush iyo Blair ay soo jeedsheen in 32 waddan oo ka mid ah kuwa Afrika ugu fakhrisan laga cafiyo deyntii ay qabeen haddii ay xakameeyaan musuqmaasuqa ka jira dalalkooda ooy hirgalshaan dib u habeyn la xiriirta dhaqaalaha.

Heshiiska ku saabsan deyn cafinta ayaa muhiim u ah baabi'inta ama tirtirista lacag gaareysa soddon ilaa afartan bilyan oo doolar oo ah lacag ay horey hey'ado caalamiya uga deynsadeen in ka badan sodan waddan oo Afrikaan ah oo adduunka ugu saboolsan.

Ra'iisalwasare Blair iyo Madexweyne Bush ayaa qirey in weli ay harsanyihiin tafaasiil loo baahanyahey in si buuxda la iskugu raaco. Laakiin waxa uu Madexweyne Bush sheegey inuu ogolaadey in waddamada saboolka ah aan lagu sii deynin culeyska saaran, Ra'iisalwasaare Blair-na waxa uu Bush u xaqiijiyey in waddamada musuqmaasuqu ka jiro aysan deyn cafis heleyn iyagoo aan wax ka qaban musuqmaasuqooda.

Gargaarka muddada dheer

Amuurta ku saabsan kharashka gargaarka wakhiga dheer qaadanaya ayaa laga hadley. Mr Bush inkastoo markii uu ka hadlayey shirka jaraa'id uu ballanqaadey in Mareykanku uu qaban doono wax ka badan intii hore, haddana guud ahaan warkiisu ma kala cadeyn.

Arinka ku saabsan cimilada is-bedeleysa horumar yar ayaa laga sameeyey. Mr Blair waxa uu ku adkeysanayaa in ballangal wada jir ah oo mashaakilkaas lagu xakameenayo uu jiro, laakiin Bush ma aanu ku dhawaaqin ballan gaar ah oo ku saabsan wax ka qabadka cimilada, mana uu qaadin tallabo laga fahmi karo in laga yaabo inuu fikirkiisa badelo mustqabalka dhow.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin