|
Baarlamaanka oo shir muran leh yeeshay | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Shir ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah ee soomaaliya, oo uu ka maqan yahay guddoomiyaha baarlamaanka shariif xassan sheekh aadan iyo qaar kale oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka. Shirkan oo uu furay madaxwaynaha dowladda ku meelgaarka ah ee soomaaliya, ayaa looga hadlayay ansixinta ciidamada africa ee la gaynayo soomaaliya. Madaxwayne c/laahi yuusuf axmed, wuxuu hadal uu xildhibaanada u jeediyay ku sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka uu jabiyay 3 qodob, kuwaasi oo kala ah: In 17kii march iyadoo uu barlamaanka uu dirirayo oo dhiig uu daatay intuu qolkiisa galay ansixiyay in aan dalka la keeni karin ciidamada safka hore, siiba dalalka itoobiya, jabuuti iyo kenya, taasoo uu madaxwaynuhu ku tilmaamay in ay tahay mid guddoomiyaha jeebkiisa ah. In uu iska dhagatiray 100 xildhibaan oo motion u soo gudbiyay oo dalbaday shir baarlamaan oo uu dayacay. In uu dhagaha ka furaystay goáanka dowladda in baarlamaanku ka doodo oo uusan aqbalin.
Madaxwayne c/laahi yuusuf, wuxuu sheegay in uu isku dayay in uu la hadlo guddoomiyaha baarlamaanka balse uusan dhagaysan, isagoo intaasi ku daray in guddoomiyuhu uusan isaga maamulin baarlamaanka ee ay u taliyaan xildhibaanada, cid gooni uma maamulayso baarlamaankana aysan jirin. Wuxuuna ka codsaday xubnaha baarlamaanka ee maanta fadhiyay in aan lagu kala tagin shirka tan iyo inta go'aan laga gaarayo, maadaama buu yiri uu ra'iisul wasaaruhu berito ka qaybgalayo shir midowga africa uu ku yeelanayo magaalada addis ababa oo laga doonayo in uu go'aan la tago. Waxaa madaxwaynaha kadib isaguna hadlay cali maxamed geeddi, oo soo jeediyay ajendihii xukuumadda ee damacsanaayeen in baarlamaanku ka doodo, kaasoo oo ah in soomaaliya galaan ciidamo ka socda dalalka uganda iyo sudan oo ay bilaabaan hub ka dhigista iyo nabadayn, isagoo markaa kadib u gudbay sidii dowladdu dalka dib ugu laaban lahayd iyo halka lagu sii hakanayo inta magaalada muqdisho laga nabadaynayo, wuxuuna soo jeediyay in lagu sii hakado magaalooyinka jowhar iyo baydhaba. Ra'iisul wasaaruhu, wuxuu sheegay in qodobada uu soo gudbiyay uu ka reebay in laga doodo in ciidamada igad guud ahaan la geeyo soomaaliya, balse uu uga reebay talooyin la siiyay. Guddoomiye ku xigeenka, maxamed cumar dalxa, ayaa baarlamaanka ka dalbay in uu ka doodo qodobada ay dowladdu soo hordhigtay. Xoghaynta shirka, ayaa sheegtay in ay maanta hoolka lagu shirayay ee kicc ay fadhiyeen ilaa 152 xildhibaan, hase yeeshee, waxaa la is waydiinayaa tiradaasi sida ay sax u tahay, iyadoo la ogsoon yahay in ilaa boqol xildhibaan ay ku sugan yihiin magaalada muqdisho, isla markaana ilaa konton kale la sheegay in ay fadhiga maanta mid kale ka garab fureen oo ay ku kulmeen hoteelka grandy regency. |
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||