|
Qado uu qabtey Cabdullahi Yusuf | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Qadada Madexweyne Cabdullahi Yusuf waxa ay ku sooo beegmatey iyadoo uu Ra'iisalwasaarahu dalka ka maqanyahey iyo iyadoo hogaamiyaashii kooxaha hubeysan ee dowladda ku biirey intooda badan ay saaka u dhoofeen Muqdisho. Waxa kale oo oo madasha ka maqnaa Ra'iisalwasaare ku-xigeenka dowladda federaalka ee KMG ah, ahna Wasiirka Warfaafinta, Mr Maxamud Jaamac Cabdullahi (Sifir). Qadadii ka dib ayuu Guddoomiyaha Barlaamka, muddane Shariif Xasan Sheekh Aden intii uusan mikroofoonka ku wareejin Madexweyne Cabduulahi yusuf uu sheegey inuu soo dhaweenayo midnimada iyo wada jirka xukuum,adda iyo baarlamanka Soomaalida. Waxa kale uu Shariif Xasan hadalkiisii ku yiri " Markii waddanka gudihiisa la tago ayaa la arki doonaa ciddii aan dowladnimo rabin iyo ciddii rabta".
Markii makrofoonka lagu wareejiyey ayuu Madexweyne Cabdullahi Yusuf dadkii madasha iskugu yimid siiyey warbixin iskugu jirta safarkii dhawaan isaga iyo Ra'iisalwasaarhu ku tageen gobollo ka mid ah Soomaaliya iyo safarkii dibadda ee uu maalmihii na soo dhaafey ka soo noqdey. Hadalka Madexweyne Cabduulahi Yusuf qodobadii ugu muhiimsaneyd waxa ka mid ah: -Safarkii dalka gudihiisa oo uu ku sheegey in dadku ay u baahanyihiin dowlad iyo nabad. -Shirkii Jaamacadda Carabta oo uu sheegey in Ururku uu Soomaaliya u ogolaadey qodobadii ay Soomaaliya weydiisatey. Kuwaas oo ahaa in ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya tagaya laga qeybgaliyo waddamada Carabta. -Waxa kale uu Madexweyne Cabdullahi Yusuf sheegey inuu isagu dhex-dhexaad ka yahey labada gole ee kala ah Baaralamanka iyo Golaha Wasiirada Soomaalida, uuna la jirayo mar walba cidda nabadda iyo dib u dhiska waddanka ka shaqeeneysa, dastuurkana ilaalinyeysa, loona baahanyahey iney wada hadalaan ooy hesheeyaan, caalamkuna uu ka sugayo in iyagoo mideysan ay Soomaaliya tagaan. -Waxa kale uu sheegey in ciidamada Soomaalidu ay nabadda wax ka qabanayaan loona baahanyahey in adduunku uu amuurtaas gacan ka siiyo Soomaalida. -Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey inuu caawa (habeenka Isniintu soo galeyso) u dhoofi doono waddanka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb gali doono shirka looga hadlayo arimaha Soomaaliya. |
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||