BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
07 Abriil, 2005, 23:30 GMT; 02:30 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Madaxweynaha oo Nairobi ka degey
 
Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf
Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf
Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yusuf, ayaa caawa (Khamiis) ka soo degey magaalada Nairobi, xarunta ku meel gaarka ah ee Dowladda iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynuhu ka dib markii uu ka qeyb galay shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay dalka Aljeeriya, waxaa uu ku sugnaa dalka Libya oo uu joogay muddo ka badan 10 maalmood.

Maqnaashaha madaxweynaha waxaa u xayirnaa hawlo badan oo ay ka mid tahay sidii loo xallin lahaa khilaafka u dhexeeya xubnaha baarlamaanka dhexdooda iyo kuwa dowladda oo dhinac u badan, hase yeeshee dhinaca kalena ay ku jiraan Ra'iisal Wasaare iyo Wasiirro sare oo qaarkood ay madax u yihiin kooxo hubeysan.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirrada ku kacsan Madaxweynaha oo markii hore ku hanjabay in ay u amba bixi doonaan magaalada Muqdisho, ayaa hadda waxay u muuqdaan in khilaafka iyaga iyo Madaxweynaha u dhexeeyay ay rajadu badan tahay in ay iska af gartaan.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in diblomaasiyiinta dalalka deeqdaa bixiyaa ay arkeen labada dhinac ee baarlamaanka ee is haya, isla markaana ay u sheegeen in labada midna la taageeri doonin haddii ay khilaafkooda xallin waayaan.

Madaxweynuhu intii uu joogay Libya waxaa uu la kulmay hoggaamiyaha Libya Mucamar Qaddaafi, oo sida la sheegay ku ballan qaaday in uu taageero u fidiyo dowladda cusub ee Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha oo markii uu ka soo kicitimayay Tripoli uu soo sagootiyay wasiirka arrimaha dibadda ee Libya, waxaa Tripoli uga haray Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, cali Maxamed Geeddi iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Madaxweynuhu waxaa uu ku soo hakaday dalka Uganda, halkaas oo uu wadahadal kula yeeshay, Ali Kirunda Kivejjinja, oo ah mas'uul sare oo ka tirsan dhaqdhaaqa ka taliya Uganda.

Madaxweynuhu waxaa uu u sheegay mas'uulkaas in uu hadda ku kalsan yahay, wakhtigii ay ciidammada nabad kaabiddu ay tegi lahaayeen Soomaaliya.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin