http://www.bbcsomali.com

18 Maarso, 2005, 18:34 GMT; 21:34 SGA

Go'aanada Golaha Wasiirada IGAD

Wasiirada arrimaha dibedda dalalka IGAD, ayaa go'aamiyay in wajiga 1-aad ee ciidamada la gaynayo Soomaaliya ay ka tagi doonaan dalalka Ugadna iyo Sudan.

Warkan, oo ka soo baxay kulankii caadiga ahaa ee 24-aad ee golaha wasiiraa IGAD, oo ku saabsanaa Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidamada ugu horeeya ee tagaya Soomaaliya ay ahaanayaan kuwo ka socda dalalka IGAD ee diyaarka ah oo lagu magacaabay in ay yihiin labadan dal ee Uganda iyo Sudan.

Golaha Wasiirada IGAD, waxay sheegeen in wadamada kale ee IGAD ee soo haray ay ka qaybqaadan doonaan wajiga 1-aad, iyagoo gacan ka gaysanaya dhinacyada tas-hiilaadka, qalabka, taakulaynta degdega ah iyo tababarka ciidamada iyo booliiska Soomaaliya.

War saxaafadeedka ay wasiiradu soo saareen, waxay intaasi ku dareen in wajiga 2-aad ee ciidamada Soomaaliya la gaynayo ay ka mid ahaan doonaan wadamada IGAD ee ka soo haray dalalka Uganda iyo Sudan, isla markaana la eegi doono ciidamo ka yimaada dalalka midowga Africa.

Waxaa golaha wasiirada IGAD uu go'aansaday in uu wax ka badallo qodobada 6a iyo 7 ee heshiiskii lagu aasaasay IGAD si loo ogolaado in ciidamo nabadda taageera oo ka socda IGAD ay u tagaan Soomaaliya.

Golaha wasiirada IGAD ma cadayn xilliga ay ciidamada wajiga 1-aad ee IGAD ee noqonaya kuwo ka socda dalalka Uganda iyo Sudan ay tagayaan Soomaaliya, inkastoo ilo xog ogaal ah ay ii sheegeen in wajiga koowaad uu qaadan doono muddo sanad ah, markaasi oo uu wajiga labaad bilaabanayo, hadana ma cadda wajiga 2-aad dalalka ay ciidamadu ka iman doonaan.