|
Guddi loo saaray dejinta Muqdisho | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Raiisal wasaaraha dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, ayaa habeenkii Arbacadu soo galeysey magaalada Nairobi uga dhawaaqay Guddi uu u xil saaray ammaanka magaalada Muqdisho iyo maamul u sameynteeda. Tallaabadani waxay soo baxday maalin uun ka dib markii golaha wasiirradu uu isku raacay in aan dowladdu u guurin Muqdisho ee ay marka hore degto laba magaalo oo kala ah Baydhaba iyo Jowhar. Shirkaa ka dib ayaa Raiisal Wasaaruhu sheegay in golaha wasiirradu uu isku af gartay in lagu waafaqo Hoggaamiyayaasha magaalada Muqdisho hindisihii ay soo saareen oo ay ku wedyiisteen saddex bilood in la siiyo oo ay ku sugaan ammaanka Muqdisho. Ma cadda in guddiga hadda uu Raiisal wasaaruhu dhisay uu noqonayo mid Hoggaamiyayaasha ay wada shaqeyn doonaan iyo in uu noqon doono mid isku daya in uu hawsha kala wareego. Guddiga la dhisay waxaa uu ka kooban yahay 11 xubnood oo Guddoomiyahooda mooyiye inta kale aanay malliishiyada hubeysan ee Muqdisho joogtaa iyaga ka amar qaadan. Guddigaasi waxa uu ka kooban yahey: Xuseen Maxamed Caydiid - Guddoomiye Ammaanka magaalada Muqdisho waxaa intiisa badan uu si toos ah ugu xiran yahay saddex dhinac oo kala ah: Hoggaamiyayaasha kooxaha hubeysan, Maxkmadaha Shareecada iyo Ganacstada. Guddigan waxa aan ka dhex muuqan ragga madaxda u ah kooxaha hubeysan ee Muqdisho, isla markaana dowladda hadda dhisan ka tirsan.
Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Cusmaan Xasan Cali, Cumar Maxamuud Maxamed, Bootaan Ciise Caalin iyo qaar kale ayaa hindise ay hore u soo jeediyeen uu taageero ka helay in ka badan 100 mudane oo ka tirsan baarlamaanka. Magaalada Muqdisho lafteeda taageero weyn ayuu ka helay hindisaha hoggaamiye kooxeedyada wasiirnimada u xuub siibtay, inkasta oo dadka qaar ay ku tilmaameen in ay yihiin niman aan la aammini karin hadda ka horna ka baxay ballan qaadyo fara badan. Maxkamadaha iyo ganacsatada ma cadda mowqifkooda ku saabsan labadan hindise ee isbarbar socda, ee labaduba ay sheegayaan in magaalada lagu nabadeynayo. Si kastaba ha ahaatee, magacaabidda guddigan ee Ra'iisal Wasaaruhu waxay u muuqataa mid sii fogeyn karta farqiga xagga ra'yiga ah ee ku dhex jira dowladdiisa. |
| ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||