BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Baarlamanka Soomaalida oo diidey dowladaha deriska
 

 
 
Fadhigii Baarlamanka maanta
Inkastoo fadhigu uu markii hore ku bilowdey si deggan, markii dambe dhiig ayaa la iska keeney
Markii ay dhammaatey dooddii maanta (Khamiis) u bilaabatey xildhibaanda Baarlamanka Soomaalida oo looga doodayey in la ogolaado in ciidamo ka socda waddamada Soomaaliya deriska la ah iyo in kale ayaa Guddoomiyaha Baarlamanku xildhibaanada u sharxey habkii loo codeyn lahaa.

Waxa xildhibaanada loo sheegey in loo qeybinato warqad ay ku qoranyihiin laba arimood oo la kala xulanayo. Midda koobaad oo ah in aysan wax ka qabin in Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda waddamada Afrika iyo wadamada ku jira Ururka Jaamacadda Carabta iyagoo aan la kala soocin.

Iyo xulashada labaad oo ah in Soomaaliya loo diri karo ciidamo ka socda Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta laakiin aan la ogoleyn in lagu daro ciidamo ka socda wadamada Soomaaliya la deriska ah.

Guddoomiya Baarlamanka
Shariif Xasan oo sheegey in xildhibaanada intooda badan ay diideen wixii dowladu wadatey

Markii la doonayey in waraaqahaas la qeybiyo ayaa buuq dhacey oo koox diidaneyd habka uu Guddoomiya Baarlamanka, Shariif Xasan Shiikh Aden uu hadalka u dhigey ayaa isku gudbey sanduuq muraayado ka sameysan oo lagu guri lahaa waraaqaha cod dhiibashada. Markii dambana muraayadihii sanduuqa waaba la jajabshey.

Intaas markii ay dhacdey ayaa Guddoomiyaha Baarlamanku waxa uu go'aan ku gaarey in codka lagu dhiibto gacan taag, sidaas ayaa codkii lagu dhiibtey. Ka dibna Waxa uu Guddoomiyaha Baaralamanka Federaalka ee dowladda Soomaaliya ee KMG ah, Mudane Shariif Xasn Shiikh Aden uu ugu dhawaaqey in xildhibaanno ku filan ansaxinta motionkan ay u codeeyeen in Soomaaliya aan loo soo diri karin ciidamo ay ku jiraan wadamada Soomaaliya la deriska ah.

Xildhibaanada joogey madashey shirku ka dhacey waxa tiradoodu aheyd 217 xildhibaan. Xildhibaanaas 55 ka mid ah waxa ay u codeeyeen in Soomaaliya la geeyo ciidamo ka socda Afrika iyo Carabta oo aan la kala soocin. Laakiin 156 xildhibaan ayaa ka soo horjeestey in ciidamo ay ku jiraan waddamada Soomaaliya la deriska ah la geeyo waddanka Soomaaliya. Halka lix xildhibaanna ay ka aamuseen.
Jaamac Cali Jaamac, Muse Sudi iyo Axmed C. Jees
Kooxdani waxa ay aheyd kuwii sida weyn uga soo horjeedey ciidamada dowladaha deriska

Markii intaas ay dhacdey ayaa waxa madashii ka bilowdey dagaal aan horey loo arkin oo dhexmarety xildhibaanadii halkaas isla joogey oo qaar badan halkaas lagu dakhrey. Boolslka Kenya ayaa soo dhexgaley oo kala kexeeyey intii iskugu soo hartey madasha oo qaar badan dhiig ka da'yey.

Markii uu shirku saaka ka furmey Nairobi, qiyaastii 10:45 daqeeqo saacada Afrikada Bari, waxa is-qorey xildhibaano gaaraya boqol iyo dhowr iyo toban xildhibaan oo mid kasta uu doonayo inuu ka hadlo doodda ka horeysa u codeynta arinka loo qabtey shirkan oo ah in la ogolaado ama la diido in ciidamo shisheeyey Soomaaliya la geeyo.

Markii la gaarey 6:30 galabnimo ayaa dooddii dhamatey ka dib markii ay hadleen mudanayaal kor u dhaafey 90 qof intii kalena ay yiraahdeen wixii aan madaxa ku hayey xildhibaan kale ayaa sheegey.

Xildhibaanada ka hadley intii shirku uusan bilaabmin waxa ka mid ahaa Ra'iisalwasaaraha dowlladda Federaalka ee KMG ah, Cali Maxamed Geedi oo xildhibanada ku booriyey in si deggan loo doodo.

Laakiin markii codeyntii dhamaatey oo Guddoomiyaha Baaralamanku ansaxshey cod gacan taag lagu dhiibtey ka dib ayeey BBC-du wareysatey Ra'iisalwasaare Cali Maxamed Geedi.

Wareysigii uu Mr Geedi BBC-da siiyey waxa uu Guddoomiyaha Baarlamanka ku eedeeyey inuu isagu horkacey dhibka Khamiistii Baarlamanka Soomaalida ka dhexdhacey.

Geeddi iyo Sheriif Xasan
Raiisal Wasaare Geeddi iyo Guddoomiye Shariif

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aden oo isana BBC-du wareysatey ayaa sheegey in uu go'aansadey in codka lagu qaado gacan taag, ka dib amrkii qaar ka socda dhinaca dowladdu oo ay hor joogsadeen cod bixintii waraaqaha lagu dhiiban lahaa, taasina ay aheyd waxa kaliya ee u bannaaneyd inuu ku kaco.

Telefeshanada waddanka Kenya ayaa fiidnimadii Khamiistii iyo subaxnimaduu Jimcaha soo bandhigey muqaallo laga argagaxo oo muujinaya xildhibaanadii Baaralamanka Soomaalida oo kuraas isla dhacaya oo qaar badan dhiig ka da'yo.

Habka loo codeenayo

Inkastoo subaxnimadii Khamiista markii xildhibaanadu ay galayeen golaha shirku ka dhacey; dadka laga reebayey bakoorado ama ulo iyo wixii la isku dili karo, haddana lama oga sida ay ulaha badan ee la isku garaacey ay madasha shirka u soo galeen, kuwaas oo dakharo badan geystey.

Waxa weliba nasiib lagu lahaa in Hoteelka Grand Regency ee shirku ka dhacey oo ah kan Nairobi ugu qurux badan, ammaankiisa aad loo adkeeyey Khamiistii oo dad tira badan oo dhibka dhacey sii badin lahaa loo diidey iney galaan.
Xildhibaanno
Xildhibaanno badan ayaa dhiig ka daatey

Fadhiga Khamiistii lagu qabtey Hoteelka Grand Regency, waxaa uu ku soo beegmay iyada oo isla maalintaas ay Nairobi ku shirayeen wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD, oo ka tashanaya wixii ay ka yeeli lahaayeen taladii ay soo jeediyeen wasiirrada difaaca ee IGAD oo Kampala dhawaan ku shirey.

Yuweri Musevani

Madaxweynaha Uganda, Yuweri Museveni, oo hadda haya jagada Guddomiyenimada meertada ah ee IGAD, ayaa isaga oo la hadlaya wasiirrada difaaca waxaa uu sheegay in hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya, hadday oggolaadaan iyo hadday diidaamba, ay IGAD ciidammo geyn doonto Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaalidu go'aanka uu gaaro, waxaa uu noqon doonaa mid saameyn weyn ku yeesha aayaha Soomaaliya.

Wararka ku saabsan shirka waxa aad si joogta ah ugala socon kartaan WWW.BBCSomali.Com oo marba halka ay wax marayaan aan si isadaba joog ah ugu daabici doonno.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin