|
Geeddi: 'Eedda Shariifkaa leh' | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Raiisal Wasaaraha Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanku in uu uu sabab u yahay in mudanayaasha baarlamaanku ay isu gacan qaadaan. Ra'iisal wasaaraha oo u warramayay BBC-du wuxuu ku eedeeyey Guddoomiye Sheriif Xasan in uu soo jeediyay in cod loo qaado laba qodob oo is dul saaran, halkii cod loo qaadi lahaa midka ay dowladdu soo gudbisay. Dowladdu waxay soo gudbisay in ciidan nabad ilaalin ah dalka la keeno iyo in kale in laga doodo loona codeeyo. Laakiin mooshin ay mudanayaal dhowr ahi ay soo gudbiyeen ayaa waxaa uu weydiistay in cod loo qaado in ciidammada dalka la keenayo ay ku jirayaan kuwa deriska iyo in kale. Si kastaba ha ahaatee fadhigii baarlamaanka oo ka dhacay Hotel ku yaalla magaalada Nairobi, waxaa uu noqday mid ku dhammaada qas iyo fool xumo u soo hoyatay baarlamaanka iyo dadka uu matalo. Laakiin mudanayaasha u codeeyay in la diido ciidan ka socda dalalka deriska ah, ayaa waxaa ay ku tilmaameen in ay ahayd munaasabad taariikhi ah oo dalka looga badbaadiyay dalal aan rafiiq u ahayn. Mar buuq badani uu dhashay, oo muadanayaasha qaarkood ay isku dayeen in ay xildhibaannada iska hortaagaan in la codeeyo, ayaa Raiisal wasaaruhu wuxuu sheegayaa in uu Guddoomiyaha Baaralamaanka weydiistay in uu xiro fadhiga baarlamaanka. Mudane kale oo ka tirsan baarlamaanka ayaa sheegay in aanay jirin wax uu ku tilmaami karo kulankii maanta (khamiis). Waxaa uu yiri ciddii guul ku tilmaameysa iyo ciddii maalin madow ku tilmaameysa iyada ayeey u taallaa. Si kastaba ha ahaatee, go'aanka baarlamaanka oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyuhu ayaa u muuqda mid aad u kala fogeeyey xubnaha sare ee dowladda iyo baarlamaanka. Goor dambe oo fiidkii ah, ayaa shir saxaafadeed oo uu ku qabtay guriga Madaxweynaha ayaa Raiisal Wasaare, Cali Maxamed Geeddi, uu mar kale ku celiyay eedeynta Guddoomiyaha Baarlamaanka. Taasina waxay muujineysaa sida ay saddexda mas'uul ee maamulka ku meel gaarka ah ugu sarreyaa ay u kala fogaadeen. Dhinaca kale Ra'iisal wasaare Cali Geeddi waxaa uu ku celiyay ballaan qaadkiisii ahaa in uu tallaabo ka qaadi doono wasiirrada dowladdiisa ku jira ee haddana ka soo horjeeda talooyinka Madaxweynaha iyo Raiisal Wasaaraha. Waxaa uu sheegay in aanay Soomaaliya u xayirnaan doonin niman qafaal u haystay 14 sano. Si kastaba ha ahaaatee, haddii hoggaamiye kooxeedyada hubeysan laga saaro dowladda, waxaa dhacaysa in ay wiiqi karto dhismaha dowladda iyo nidaamkii dib u heshiinta. Haddii loo daayo in ay xilalkooda ku magacwnaadaanna, uma eka kuwa u diyaar ah in ay ugu shaqeeyaan sida ay Madaxweynaha iyo Ra'isal Wasaaruhu ay ka doonayaan. |
| ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||