|
Mareykanka oo soo dhugtay Soomaaliya | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Yusuf-Garaad Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka soo horjeeddo in ciidan ka socda dalalka deriska ah la geeyo dalka Soomaaliya. War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanku la wadaago beesha caalamka iyo dad badan oo Soomaaliyeed walaaca ay ka qabaan ciidan shisheeye oo la geeyo Soomaaliya. Warku waxaa uu sheegay in dalalka Soomaaliya la deriska ahi ay dano daw ah ka leeyihiin Soomaaliya, kuwaas oo sida ugu wanaagsan ee ay ku ilaashan karaan ay tahay dhismaha dowlad dhexe oo Soomaaliyeed oo waxqabad leh oo laga hirgeliyo Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Mareykanku waxaa uu sheegay in ciidan kasta oo la geynayo Soomaaliya aan laga qeyb gelin ciidan ka socda dalalka la deriska ah. Haddii ciidammo dalalka deriska ah lagu daro hawlgalka, waxay dowladda Soomaaliyeed ku noqoneysaa ayuu warku yiri caqabad aan laga tallaabsan karin oo uga gudban taageerada iyo kalsoonida ay uga baahan tahay shacabka Soomaaliyeed. Doodda ku saabsan ciidammada Soomaaliya la doonayo in la geeyo, waxaa maalmahanba ka taagnaa khilaaf sii kordhaya.
Waxaa uu khilaafku u dhexeeyaa gaar ahaan Madaxweynaha, Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Raiisal Wasaaraha, Cali Maxamed Geeddi, oo daafacayay kana dhaadhicnayay dadweynaha in la keeno ciidan shisheeye oo aan loo kala saarin saf hore iyo mid dambe. Dhinaca kale waxaa ka soo horjeeda ra'yigaas hoggaamiyayaal hubeysan oo hadda Wasiirro ka ah dowladda oo ka soo horjeeda in ciidan laga keeno dalalka deriska ah. Hoggaamiyayaashaas oo dhammaantood ka soo jeeda magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah, Ra'iisal
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu maalmaha foodda nagu soo haya go'aan ka gaaro waxa laga yeelayo ciidan shisheeye. Rajo wanaagsan Si kastaba ha ahaatee, Mareykanku markii sannadkii 2000 dalka Djibouti lagu dhisay dowlad Soomaaliyeed sidaa uma daneyn. Laakiin intii ka dambeysay weerarkii argagixso ee dalkiisa lagu qaaday Sebtembar 2001, waxaa u muuqata khatarta ka imaan karta Qaran burbura. Hadalka Mareykanku uu soo saaray, waxaa uu muujinayaa in Mareykanku hadda daneynayo waxa ka socda Soomaaliya. Waxaana dadka qaar u arki karaan karta rajo laga qabi karo in uu gacan ka geysto dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan qaabka uu warku tilmaamay oo ah wadaxaajood iyo dib u heshiin. |
| ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||