|
UN-ta oo ka hadashay arrimaha deegaanka Somalia | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Warbixin hordhac ah oo ay magaalada Nairobi ka soo saartey Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegey in masiibadii Tsunamiga ay dhalisey in haraaga sunta nuclearka, iyo kan warshadahaba, oo la aaminsan yahay in ay ku aasan yihiin xeebaha Somalia ay dibadda u soo baxeen, isla markaana ay caafimaad ahaan waxyeeleyeen dad Somali ah. Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan degaanka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNEP ayaa waxay magaalada Nairobi ka soo saartey warbixin ay ku qiimeyneyso khasaaraha dhinaca degaanka ee ay geysteen dabeylihii Tsunamiga ee koonfuur bari Asia, saameeyeyna dalal ay Somalia ka mid tahay. Afhayeenka hay'adda UNEP Mr. Nick Nuttell ayaa BBCda u sheegey in qashinka sumeysan iyo haraaga nuclearkaba oo ay shirkado ka socda qaaradda Yurub iyo kuwo kaleba ku daadinayeen xeebaha Somalia 15kii sannood ee la soo dhaafey, ay dabeylihii Tsunamiga ee 26 december haatan dibadda u soo saareen , arintaasi oo khatar weyn ku ah degaanka Somalia iyo weliba dalalka deriska ah ee Barigga Afrika. Mr. Nuttel oo aan kula kulmey magaalada Nairobia ayaan wax ka weydiiyey goobaha ilaa haatan ay aaminsan yihiin in ay dhibaatadu saameysey. Waxuuna yiri, '' Sida ku cad wabixinta hordhaca ah goobahaasi waxaa ka mid ah Mudug, Bari , iyo Banaadir, iyadoo sunta ay dabeykaha Tsunamiga dibadda u soo saareen ay kamid yihiin, radio active uranium, mercury, lead, qashinka warshadaha iyo kan isbitaalada.'' Mr. Nuttel ayaa intaa ku darey qashinkaasi uu sababey xanuuno ay ka mid yihiin qufac badan, , dhiig bax afka ah, dhibaatootin xagga neefsashada , Warbixinta hay;adda UNEP ayaa waxay kaloo xustey in deganaansho la'aanta ka jirta Somalia ay soo jiidatey shirkado badan oo shisheeye inay Somalia u isticmaalaan goob ay si sahlan qashinka sumeysan ugu daadiyaan, waxuuna Mr. Nuttel yiri,''Somalia waxaa ka jiray in muddo ahba dagaalo sokeeyo iyo dhibaatoyin kaleba taninna waxay suuragelisey in baddaha Somalia oo cid ilaasisaa aaney jirin si daran loogu xadgudbo. Dhinaca kalena qiimaha halkii tan ee qashinka lagu daadiyo Somalia waa 2ba dollar iyo bar, halka Yurub halkii tan ee qashinkaasi lagu daadiyo 250 dollar, taasoo muujineysa inay xitaa jirto arrimo dhaqaale oo xadgudubkaasi dhiirigelinaya.'' Afhayeenka UNEP Mr. Nuttell ayaa intaa ku darey in ay arintaasi kalahadleen saraakiil Somaliyeed oo katirsan dowladdda ku meelgaarka ah haatana ay soscoto qorshe loogu dorayo Somalia khubaro ka socda UNEP si ay u soo darsaan baaxadda dhabta ah ee qashinka lagu daadiyey xeebaha Somaliyeed. Waxaa kale oo uu afhayeenkaasi UNEP sheegey, inay lagama maarmaan tahay in la dowladda cusub ee Somalia ay noqoto mid awood u leh ilaalinta xeebaheeda, iyadoo kaashaneysa beesha caalamka si loo badbaadiyo degaanka Somalia iyo weliba kan dalalka la deriska ah ee Bariga Africa. |
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||