BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
26 Februweri, 2005, 11:37 GMT; 14:37 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Madaxweyne Geelle oo ka warramay go'aanka IGAD
 
Madaxweyne Geelle
Madaxweyne Geelle
Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku tilmaamay in doodda ku saabsan in Soomaaliya ciidan la keeno iyo in kale ay tahay wax dadka Soomaaaliyeed wakhtiga looga luminayo.

Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay in arrintaa uu Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yusuf Axmed, uu ka codsaday madaxda dalalka IGAD ay iyaguna ka aqbaleen.

Waxaa uu ku tilmaamay in aanay jirin cid ballan qaadday in ay bixineyso kharashka ku baxaya ee dal walba laga doonayo in wixii uu ku taageeri karo Soomaalida iyo Madaxweynaheeda uu siiyo.

Dhanka kale wuxuu ku tilmaamay in looga baahan yahay in baarlmaanku uu arrintaa ansixiyo inta aan lagu dhaqaaqin.

Waxaa uu wax lala yaabo oo jahawareer abuuraya uu ku tilmaamay Wasiirrada ku hadlaya hadal si toos ah u khilaafsan codsigii Madaxweynahooda.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxaa uu sheegay in aanay jirin cid Soomaaliya soo weeraraysa ama qabsaneysa.

Annagu dadka afti kama qaadeyno ayuu yiri oo dowladdooda ay iyagu doorteen uma gacan dhaafeyno, sidaa darteed baarlamaanka ayeey ku xiran tahay ayuu yiri.
 Ethiopia iyadaa sheegtay in ay xasaasi noqoneyso haddii ay ciidankeeda u dirto Soomaaliya. Waxay sheegtay in ay door bideyso in ay si kale u taageerto IGAD.
 
Madaxweyne Geelle

Madaxweynuhu isaga oo ka hadlayay dalalka deriska ah, waxaa uu sheegay in markii madaxda IGAD mid walba la weydiiyay tirada ciidanka uu u diri doono Soomaaliya, ay Ethiopia ahayd dalkii ugu horreeyay ee sheega in ciidammo Ethiopian ah oo Soomaaliya loo diraa ay tahay arrin xasaasiyad leh, oo ay jeclaan lahayd in wixii kale ee looga baahdo ay ku taageerto IGAD.

Kenya isaga oo ka hadlayay waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in Kenya iyada oo shirka marti gelisay, haddana uu wasiirkeedu markiiba ka sii afeefto go'aankii ay madaxda IGAD gaartay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxaa uu sheegay in ay dowladdiisu si buuxda u taageersan tahay dowladda Soomaaliyeed ee uu Madaxweynaha u yahay Cabdullaahi Yusuf Axmed.

Waxaa uu ku tilmaamay in aan arrintu ahayn wax Djibouti ku xiran ee ay tahay aayaha Soomaaliya iyo go'aanka dadka Soomaaliyeed, Djibouti-na ay ku taageersan tahay Soomaaliya.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin