BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
13 Februweri, 2005, 11:26 GMT; 14:26 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Somaliland: Doorashada Golaha Wakiilada
 

 
 
Dowladda Somaaliland ayaa meel fagaare ah ugaga dhawaaqday mawqifkeeda ku aaddan sharciga muranka dhaliyay ee dhowaan ay ansixiyeen Golayaasha Guurtida iyo Wakiilladu ee doorashada xubnaha Golaha Wakiillada.

Hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka ee Kulmiye iyo UCID ayaa iyaguna Sabtidii ka hadlay arinta doorashada baarllamaanka.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo Sabtidii ka hadlayay shirweyne ay lahaayeen Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo lagu qabtay Hotel Maansoor ayaa wuxuu sheegay in si loo qabto doorashada baarllamaanka loo baahanyahay in meesha laga saaro qabyaaladda iyo goboleysi oo la sameeyo arin uu ku tilmaamay "tadxiyad" iyo isu tanaasul.

Mr Yaasiin wuxuu ku baaqay in talo mideysan ay arinka doorashada baarllaamaanka ka yeeshaan xisbiyadu, ka dibna loola tago ayuu yidhi baarllamaanka laftiisa. Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu si cad ugu muujiyay hadalkiisii Sabtida sida aanay suurtagal u ahayn in diiwaangelin iyo tira koob la sameeyo doorashada ka hor sida sharcigaasi ku qoran.

Wuxuuna yidhi Mr Yaasiin " ninka leh ha la tirakoobo dadka nin habeen jiray ma aha ". Wuxuu ku sababeeyay inaanay diiwaangelintu suurtagal ahayn isagoo sheegay in dadku reer guura u badanyihiin oo xataa ay xadka ka tallaabaan.

Xisbiga Kulmiye

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isna munaasabaddasi wuxuu ka sheegay inay u taaganyihiin in doorashada baarllamaanku qabsoonto 29ka March 2005 oo hore madaxweynuhu ugu dhawaaqay. Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay inay gacan siinayaan tallaabo kasta oo xagga xorriyadda dadweynaha loo qaadayo , isagoo yidhi; "dawladdu waxay maanta kala dagaallameysaa dadweynaheedii inay wakiilladii meteli lahaa soo doortaan ". Wuxuu ku baaqay Siilaanyo in la dhawro madaxbannaanida saxaafadda, iyo xuquuqda ayuu yidhi distoorku dadweynaha siiyay.

UCID

Guddoomiyaha xisbiga kale ee mucaaridka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa isaguna kaga dhawaaqay madashaasi in doorashada xubnaha baarllamaanka oo dib loo dhigaa ay ka dhigantahay- waa siduu hadalka u dhigaye- Somaliland ma jireyso. Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in Somaliland ay heshiisiin karto Soomaaliya , hase-yeeshee faah-faahin dheeraad ah muu bixin. Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee UDUB Maxamed Ismaaciil Bullaale ayaa isaguna saxaafadda ku boorriyay inay ka fogaadaan beenta, kicinta dadweynaha iyo ceebeynta iyo afllagaadada.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin